Waxgarad dalbaday in wax laga qabto cabashada dhulka

0
Monday March 23, 2015 - 11:55:01 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1358
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waxgarad dalbaday in wax laga qabto cabashada dhulka

    Kulankaani oo ay ka qeyb galeen gudi ay soo wakiisheen dad sida ay sheegeen maamulka gobolka Banaadir uu ka bur buriyay dhul ay ka deganaayeen ka soo horjeedka xeradii Maslax gaar ahaan dhinac degmada Kaxda iyo qaar ka mid ah Odayaashii soo xulay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kulankaani oo ay ka qeyb galeen gudi ay soo wakiisheen dad sida ay sheegeen maamulka gobolka Banaadir uu ka bur buriyay dhul ay ka deganaayeen ka soo horjeedka xeradii Maslax gaar ahaan dhinac degmada Kaxda iyo qaar ka mid ah Odayaashii soo xulay Baarlamaanka Soomaaliya ayaa baaq loogu dirayay Odayaasha si ay wax uga qabtaan cabashada dadkaasi ee ku aadan in maamulka gobolka Banaadir uu ka bur buriyay dhul ay degnaayeen.

Mid ka mid ah Odaashii maanta kulanka ka hadlay ayaa sheegay inay codsanayaan in laga hortago Wax laga qabto cabashada ay qabaan,wuxuuna maamulka gobolka Banaadir ka dalbaday inuu arintaan dib loo eego,islamarkaana si deg deg ah loo soo fara geliyo arintaan.

Maamulka gobolka Banaadir uu madaxda ka yahay Mudane Xasan Max’ed Xuseen Muungaab ayaa waday bur burinta dhulalka sharcidarada ee ku yaalo magaalada Muqdisho,waxaana horay loogu sheegay dadka sida sharcidarada ah dhulalka u dhistay inay arintaasi joojiyaan.



Dhulal dhowr ah oo ku yaalo magaalada Muqdisho oo maamulka u arkau inay si sharcidaro ah u dhisan yihiin ayaa la bur buriyay,waxaana arintaan siyaabooyin kala duwan uga hadlay Shacabka.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip