Wasiirka Amniga iyo taliyayaasha ciidamada NISA, Asluubta iyo Booliiska oo kormeeraray qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho

0
Saturday June 20, 2015 - 10:34:23 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1167
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Amniga iyo taliyayaasha ciidamada NISA, Asluubta iyo Booliiska oo kormeeraray qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Wasiirka Amniga Qaranka ee Xukuumadda Somalia, Md C/risaaq Cumar oo ay wehliyaan Taliyaha NISA, Gen             C/raxmaan Maxamad Tuuryare, Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, Gen Bashiir Maxamad Jaamac, Taliyaha
Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Gen Maxamad Sh Xaamud ayaa soo kormeeray Wadooyinka 30-Ka, Warshadaha, Shaqaalaha, Wadada 21 October iyo Meelo kale oo Halbowle u ah Caasimadda Somalia ee Muqdisho.

Kormeerkan oo ujeedadiisu ahayd  u kuur galidda Amniga Caasimadda Habeenka 1-aad ee Ramadaam ayeey Wasiirka iyo Taliyayaashu ku lugeeyeen inta u dhaxaysa 2 Dhagax iyo Cali Kamiin, Waxay sidoo kale


Masuuliyiintan kula shaaheeyeen Dhalinyaradda 2 Dhagax mid ka mida Maqaayadaha ku yaala Xaafadaasi. iyadoona ay taasi qayb ka ahayd Qorshaha ay Dawladda Somalia ku dhiiragalinayso Dhalinta. intii uu Kormeerkan socday Waxay Wasiiradda iyo Taliyayaashu mid u istaageen Baro Koontaroolo oo ay Ciidamadda NISA iyo Boolisku ka
samaysteen Wadooyinka Wadnaha, 30-ka, Warshada iyo Shaqaalaha, halkaas oo loogu tagay Ciidamo u diyaarsan Sugidda Amniga Shacabka Soomaaliyeed.

Ciidamadda Amnigu waxay si gaar ah u illaalinayeen Ammaanka Masaajidada ay ku cibaadaysanayaan Shacabka Muslimiinta ee tukanaya Salaadda Taraawiixda. Waxayna taasi keentay inay shacabku ku kalsoonaadaan Masaajidda oo ay markii ugu hore uga baqayeen inay ku dilaan Maleeshiyaadka UGUS. inta badan Wadooyinka 30-ka iyo arshadaha waxaa ku teedsan Ciidanka NISA, halka Wadooyinka Shaqaalaha iyo Wadnahana ay sugayeen Amnigeeda
Ciidanka Booliska Soomaaliyeed. Waxaa sidoo kale sugidda Amniga qayb ka ah Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed oo iyaguna si wayn u adkeeyay Amniga Wadada 21 October, gaar ahaan Agagaaarka Xabsiga Dhexe iyo Xarunta Maxkamadda Gobolka Banaadir.

Wasiirka Amniga Qaranka, C/risaaq Cumar ayaa ka hadlay Kormeerkooda, Kormeerkan ayeey Wasiirka iyo Taliyayaashu ku soo gaba gabeeyeen Xarunta Bankiga Dhexe ee Somalia, halkaasoo ay  u kuur galeen sida ay
u shaqaynayaan Ciidanka Amniga ee halkaasi Illaaladda ka ah. Waxayna soo indha indheeyeen inta barood ee laga illaaliyo Bankiga Dhexe ee Somalia oo ah meel Amnigeeda si wayn loo adkeeyay.

Kormeerka intii ay ku jireen Wasiirka iyo Taliyayaasha waxay sameeyeen Dukaamaysi ay ku dhiiragalinayeen Ganacsatadda Maalgashiga ku samaystay Dalka, Waxayna tageen Supermarket si wayn u qalabaysan oo ku
yaala Wadada Shaqaalaha, halkaasoo ay ka iibsadeen waxyaabo kala duwan.

Ciidamadda NISA iyo Booliska Soomaaliyeed ayaa sameeyay diyaar garoowgii ugu sareeyay ee Amni Bisha Barakaysan ee ramadaan. taasoo ay uga gol leeyihiin inay Shacabka Saa’imiinta ah ka illaaliyaan Dhagarta
UGUS.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip