Halyeey Ex Dhame Daahir Gurxan Oo U Geeriyooday Daafacida Xarunta Golaha Shacabka Oo Laba Darajo Taliska Boliiska Uu Dalacsiiyay

0
Thursday June 18, 2015 - 22:55:44 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1312
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Halyeey Ex Dhame Daahir Gurxan Oo U Geeriyooday Daafacida Xarunta Golaha Shacabka Oo Laba Darajo Taliska Boliiska Uu Dalacsiiyay

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Munaasabad Kooban oo lagu qabtay Xarunta Taliska Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ee Comanda Boliisiya ayaa waxaa Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed waxa uu kaga dhawaaqay munaasabadaasi in Dowladda Soomaaliya ay dalcsiisay laba darajo Marxuum Daahir Maxamuud Gurxan oo ay ka dhigtay gaashaanle dhexe, halka markii hore uu ahaa Kabtan, taasi oo ah  mid dhiira galin oo lagu muujinayo Geesinamada iyo naftii hurnimada uu u muujiyay daaficida Xildhibaannada golaha, iyo Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho oo 24-kii ApriI 2014-ka Argagaxisadu ay weerar naf la caarinimo ah ku soo qaadeen.

Marxuumka oo taariikhda baal dahab ah ka galay ayaa ka dhigan isagoo dhintay in labo darajo la dalacsiiyo islamarkaana loogu magacdaro guuto ka tirsan Ciidanka Boliiska oo Dhawaan Jabuuti ku soo tababartay sida Dowladda Soomaaliya ay u ogtahay geesiyaasha naftooda u huray islamarkaana u dhintay daaficida dadka iyo dalka.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeyo Guuto Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa kaga dhawaaqay Munaasabadaasi oo goob joog ay ka ahaayeen qaar ka mid ah eheleda Gaashaanle Dhexe Daahir Maxamuud Gurxan, Ciidamo badan iyo saraakiil ka tirsan Ciidanka Boliiska, iyo Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Sareeya gaas Bashiir Maxamed Jaamac , waxaana Digreetada lagu dalacsiiyay halyey Daahir Gurxan Maxamuud uu ku wareejiyay Taliyaha Xildhibaan Maxamed Ismaaciil oo ka mid ah ehelada geesiga Ilaah Ha unuuriyee Qabriga.

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Sareeya gaas Bashiir Maxamed Jaamac oo munaasabadda ka hadlay ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsanyahay in Taliska Boliiska uu dalacsiiyo halyey geesi naftiisa ku waayay daafaca jiritaanka Dowladnimada, waxaana arrintani uu ku tilmaamay mid cashar ah oo ay kaga dayanayaan Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed.

Intaasi kaddib waxaan makaroofanka la dhex qaadnay qaar ka mid ah Ciidamada Boliiska ah gaar ahaan guutada loogu magacdaray Gaashaanle dhexe marxuum Daahir Gurxan Maxamuud oo muujiyay sida ay ugu faraxsanyihiin in Dowladda Soomaaliya ay u ogtahay dadka naftooda u hura howsha Qaranimo.

24-kii April 2014 ayay eheyd markii argagaxisadu weerar naf la caarinimo ah ay ku soo qaadeen xarunta golaha shacabka ee magaalada Muqdisho oo uu marxuum Daahir Maxamuud Gurxan uu isku dhigay gaariga damacsanaa in uu isku qarxiyo xarunta baarlamaanka  oo ay ku shirsanayaan, taasi oo fashilisay damacooda ku dhisnaa maangaabnimada, waxaana Marxuum Gurxan uu ka mid noqday Shaqsiyaad Soomaaliyeed oo u dhintay dadka iyo dalkooda, waxaana  waagaa hadlay oo ku sifeeyay marxuumka in uu noqday xalanihii Qarniga 21-aad, waxaana dalacsiinta hada uu helay Marxuumka dalacsiiyay madaxweynaha Dalka Xasan Sheekh Maxamuud.

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip