Golaha wasiiradda Xukumadda Soomaaliya oo Shirey Maanta, Maxaa ka soo Baxay Shirkoodii"Akhriso"

0
Thursday June 18, 2015 - 16:04:04 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1114
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Golaha wasiiradda Xukumadda Soomaaliya oo Shirey Maanta, Maxaa ka soo Baxay Shirkoodii"Akhriso"

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Shirka golaha wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa looga
doodey xeerka Nidaamka Garsoorka Federaalka oo ay soo diyaarisay
wasaaradda Cadaaladda, shirka waxaa guddoominayey kusimaha Ra’iisul wasaaraha ahna wasiirka Cadaaladda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,mudane Axmed Cabdullaahi Jaamac.

Shirka golaha wasiirrada Xukuumadda Soomaaliya markii uu dhammaaday
waxaa warbaahinta Qaranka u sharaxay Shirka Ku simaha Ra’iisul
wasaaraha ahna wasiirka Cadaaladda mudane Axmed Cabdullaahi Jaamac. xeerka Nidaamka Garsoorka Federaalka


ee ay golaha wasiirrada ansixiyeen waxa uu qeexayo xeerkan iyo sida uu
muhiim ugu yahay dhismaha hey’adaha Garsoorka Soomaaliya.

"Barlamaanka ayaa la geeyey maanta ayaana la ansixiyey, qodobada
Dastuurka ayey ku xusan tahay arrintan waxa uu xeerkan qeexayaa
awoodaha maamullada iyo maxkamadaha, sida Maxkamadda Darajada Koobaad,
midda Racfaanka iyo Maxkamadda sarre, xeerarkaas ayaana lagu kala
saarayaa iyo dambiyada la galo, sida qayaanno Qaran cidda qaadeysa”.

Ku simaha Ra’iisul wasaaraha ahna wasiirka Cadaaladda Xukuumadda
Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Cabdullaahi Jaamac, ayaa sheegay in Xukuumadda Soomaaliya ay boggaadineyso habsami u socodka shirka maamul u sameynta Mudug iyo Galgaduud, waxa uu intaa raaciyey in weli
ay socdaan dadaallada lagula hadlayo maamulka Jubaland si loo xaliyo
cabashooyinka taagan xiligaan.

"Arrimaha ku aadan Dastuurka Cadaado lagu ansixiyey waa howl wanaagsan
golaha Xukuumadda weli looma soo gudbin waan sugeynaa, shirkaasina in
ay wax fiican ka soo baxaan ayaan rajeynayaa, dadaallada ku aaddan
xalinta cabashooyinka Jubaland waa lagu howlan yahay dhowaan wax lagu
farxo ayaa ka imaan doona halkaasi si aan u wada gaarno dib u
heshiisiinta buuxda”.ayuu yiri key simaha ra’isulwasaaraha Soomaaliya.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip