Dowladda Kenya oo lacag dul dhigtay horjooge ajnabi ah oo katirsan Al_Shabaab

0
Thursday June 18, 2015 - 16:00:29 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1346
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Kenya oo lacag dul dhigtay horjooge ajnabi ah oo katirsan Al_Shabaab

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Dowladda Kenya ayaa sheegtay in aduun gaaraya ilaa 100,000 U$ boqol kun oo dollar ay ku raadinayso horjooge katirsan kooxda Al_Shabaab oo u dhashay dalka
Jermeney kaasi oo ka qeyb qaatay weeraro ka dhacay dalka Kenya.

Hay,adaha amaanka dalka Kenya ayaa soo saaray war saxaafadeed ay ku
sheegayaan in ay baadi goob ugu jiraan ninkani oo lagu magacaab Andreas
Martin Muller Kasi oo lagu eedeeyay in uu qeyb ka ahaa dadkii abaabulay
weeraro lagu qaaday jasiirada Laamu ee dalka Kenya.

Ilaa 11 ruux oo katirsan kooxda Shabaab ayaa lagu soo waramayaa inay ku


geeriyootay tiro kamid ah ciidamada Kenyana ay wehliyaan kadib iska hor
imaad halkaasi ku dhexmaray labada dhinac.
Sidoo kale dowladda Kenya ayaa sheegtay in weerarkaasi uu qeyb ka ahaa
nin dhalashadiisu ay tahay Biritan mudooyinkii ugu dambeeyay daka Kenya waxaa ka dhacay dhowr weerar oo ay geysteen kooxda Al- Shabaab.

Kooxda Shabaab ayaa weerar ay ku qaaden jaamacad ku taala magaalada
gaarisa ee dalka Kenya waxay ku dileen ilaa 148 ruux oo shacab ah
wixii xiligaasi ka dambeeyeey waxaa sii kordhayay howlgalada lagu
baacsanayo maleeshiyadaasi.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip