Wasaaradda Amniga Dalka Oo Shaacisay Tirada Dhagar Qabayaasha Ciidamada Ay Ku Dileen Cadaado

0
Thursday June 18, 2015 - 15:57:01 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1219
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasaaradda Amniga Dalka Oo Shaacisay Tirada Dhagar Qabayaasha Ciidamada Ay Ku Dileen Cadaado

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Wasaaradda Amniga gudaha Xukuumadda Soomaaliya ayaa shaacisay 4-dhagar qabe oo ahaa kooxdii saakay waabarigii weerarka naf la caarinimada ah ku qaaday Xarunta uu ka socdo shirka lagu dhisayo maamulka uu yeelanayo gobolada Mudug iyo Galgaduud ee cadaado oo ciidamada ammaanka ay fashiliyeen.

Afhayeenka Wasaaradda Amniga gudaha Maxamed Yuusuf Cismaan oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in ay fashiliyeen Ciidamada weerar saaka ka dhacay meel ku dhow Xarunta ay degan yihiin ergooyinka shirka maamul u sameynta Gobollada Dhexe ee ka socda degmada Cadaado.

Maxamed Yuusuf Cismaan ayaa xusay in wax khasaare ah oo ka dhashay weerarkaasi uusan jirin taasi oo ka dhalatay sida ciidamada ay kaga hortageen oo aan ka aheyn kooxihii dhagar qabayaasha ahaa, oo ciidamada amniga ay toogteen, oo uu sheegay afar ruux in ay ahaayeen kooxihii weerarka soo qaaday oo ciidamada ay toogteen 3 ka mid halka kalena uu ahaa darawalkii gaariga is qarxiyay kaxeynayay..

Xaalada Magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud ayaa dagan, iyadoo ciidamada ay ka wadaan halkaasi howlgalo ammaanka lagu xaqiijinayo oo lagu baarayo weerarka ciidamada sida dhaqsada leh ay kaga hortageen.

DSC03041DSC03042DSC03042-1DSC03043DSC03043-1DSC03044DSC03045-1DSC03072DSC03080




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip