Ciidamada Ammaanka Oo Fashiliyay Weerar UGUS Ay Damacsaneyd In Ay Ku Qaado Xarunta Shirka Ee Cadaado

0
Thursday June 18, 2015 - 09:43:21 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1241
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada Ammaanka Oo Fashiliyay Weerar UGUS Ay Damacsaneyd In Ay Ku Qaado Xarunta Shirka Ee Cadaado

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Ciidamada Ammaanka ku sugan degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud ayaa fashiliyay isku day maleeshiyaadka argagaxisada UGUS ay ku doonayeen in ay ku dhibaateeyaan ergada ku shirsan Cadaado iyagoo  ku hungoobay in qaraxyo ay ka geystaan xarunta shirka maamul u sameynta gobolada dhexe uu ka socda ee halkaasi.

Ciidamada oo aad u feejigan ayaa ka hortagay isku day ay ku doonayeen UGUS falalka looga bartay, waxaana ugu horeyn ciidamada ay joojiyeen gaari Surf ah oo diiday in uu istaago kaddibna ciidamada si dhaqse ah ay kaga hortageen gaariga oo xabada huwiyay kaddibna uu is qarxiyay, waxaana xiligaasi kaddib tiro dhagar qabayaal ah weerar naf la caarinimo ay ku soo qaadeen halka lagu fashilayay gaariga qaraxa, waxaana dhagar qabayaashaasi gabi ahaantoodaba ciidamadu ay ku toogteen halkaasi, iyagoo wax qasaara ah aan geysan.

Xaliimo Ismaaciil Yarey oo ah Guddoomiyaha guddiga farsamada maamul u sameynta mudug iyo galgaduud ayaa inoo sheegtay in wax soo gaaray aysan jirin xubnaha ka qeyb galaya shirka ee ergada ah ayna fashiliyeen ciidamada weerarkaasi dhicisow.

Maleeshiyaadka Gumaadka Umadda Soomaaliyeed ee UGUS ayaa Ciidamada Qalabka sida waxay wiiqeen awoodoodii, iyagoo ku beegsanaya magaalooyinka iyo deegaannada howdka ah ee dalka, waxaana jabka soo gaaray kooxda ay cara kala dul dhacaan dadka shacabka oo ay beegsanayaan maadaama aysan u babac dhigi Karin awoodooda ciidamada.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip