Nicholas Kay oo Soomaalida ugu hambalyeeyay bisha barakeysan ee Ramadaan

0
Thursday June 18, 2015 - 01:44:25 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1290
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Nicholas Kay oo Soomaalida ugu hambalyeeyay bisha barakeysan ee Ramadaan

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Nicholas Kay, ayaa hambalyo u diray dhammaan dadka Soomaaliyeed isagoo ugu hambalyeeyay bilasha bisha barakeysan ee Ramadaan.

"Iyadoo ay dadka Soomaaliyeed iyo dadyowga Muslimka adduunku ay billaabayaan soonka bisha barakeysan ee Ramadaan, waxaan jecelahay inaan salaan iyo bogaadin idin ka soo gudbiyo bahda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya,” ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah Nicholas Kay. "Ramadaan waa waqti ay qoysaska iyo bulshadu isla wadaagaan farxadda iyo raynraynta, ayna isugu yimaadaan afurka iyo dukashada salaadaha, kuna xusuustaan dadka danyarta ah ee aan haysan intaan annagu haysano.”

"Inta lagu jiro waqtigan gaarka ah, waxaa xusuusin mudan in nabadda iyo naxariistu ay na mideynayaan, ayna aad uga xoog badanyihiin wax kasta oo na kala qaybiya,” ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah Nicholas Kay.

Anigoo ku hadlaya magaca saaxiibadeyda igala shaqeeysa Qaramada Midoobay, waxaan u rajeynayaa dhammaan dadka Soomaaliyeed iyo qoysaskooda bil Ramadaan oo barakeysan oo nabad ah. Ramadaan Kariim. Ramadaan wanaagsan.”

Dhamaad.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip