Dowladda Soomaaliya oo ku dhawaaqday in berri ay Ramadaan tahay

0
Wednesday June 17, 2015 - 21:17:04 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1268
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Soomaaliya oo ku dhawaaqday in berri ay Ramadaan tahay

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Wasaradda Diinta iyo owqaafta ayaa caawa shaacisay in berri ay tahay Ramadaan, kaddib markii bisha laga arkay degmada Xudur ee gobolka Bakool.

Wasiir-ku xigeenka wasaaradda Macallin Cali Aadan Cadoow ayaa Radio Muqdisho ka sheegay in maalinta berri ah ay Ramadaan tahay, isagoo dadka Soomaaliyeed ugu hambalyeey bilashada bishan.

Ilaa shan qof oo ku sugan degmada Xudur ee gobolka Bakool ayaa arkay bisha sida ay sheegeen masuuliyiinta wasaaradda iyo hay’adda culimada Soomaaliyeed.

Culimo ka tirsan hay’adda Culimada Soomaaliyeed iyo agaasimeyaasha wasaaradda qaarkood ayaa ka qeyb galay barnaamij toos ah oo ka baxay Radio Muqdisho, kaas oo looga hadlayay bilashada bisha Ramadan iyo sida ay dadka Soomaaliyeed iyo muslimiintu ay tahay inay uga faa’iidaystaan fursadda ku jirta bishan oo ay cibaadeystaan.

Sheekh Bashiir Axmed Salaad, Sheekh Cali Sheekh Maxamuud "Sheekh Cali Dheere”, Sheekh Cabdullaahi Axmed Garuun, SHeekh Cabdulqaadir Soomoow, Sheekh Yuusuf Cali Ceynte iyo Sheekh Maxamed Kheyroow Aadan ayaa ka qeyb galay barnaamijkaan, ayagoo dadka Soomaaliyeed ugu baaqay inay Soomaan bisha isla markaana ay ka faa’iideystaan fursaddan




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip