Baarlamaanka Soomaaliya oo Kulan ku Yeeshey Magaalada muqdisho.

0
Wednesday June 17, 2015 - 15:15:32 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1380
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Baarlamaanka Soomaaliya oo Kulan ku Yeeshey Magaalada muqdisho.

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Kulanka Baarlamaanka ee manta oo ahaa Kalfadhiga 6aad, Kulankaasi 11aad waxaa shir Guddoominayey Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan "Jawaari” ayadoo Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Mudane Mahad Cabdalla Cawad uu goobjoog ka ahaa,waxaana Ajandayaasha Baarlamaanka ay kala ahaayeen,akhrinnada Koobaad ee Sharciyada Saxaafadda Dalka iyo Shaqaaleynta Ajnabiga.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo SHaqaalaha ee Dowladda Soomaaliya Mudane Cusmaan Libaax Ibraahin oo XIldhibaannada u khriyey sharcigan lagu shaqaaleynayo Ajnabiga ayaa tilmaamay in sharcigan uusan saameyn ku yeelan doonin Wakiillada iyo safiirrada dalalka caalamka ah u fadhiya magaalada Muqdisho.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta,Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo isaguna XIldhibaannada Golaha Shacabka u horyimid Akhrinta 1aad ee Hindise Sharciyeedka Warbaahinta Dalka ayaa tilmaamay in sharcigan uu muhiimad gaar ah u leeyahay hormarinta iyo hagista saxaafadda Dalka islamarkaana uusan wax dhaqaalle miisaaniyad cusub ah uga baahneyn dhaqan gelintiisa Dowladda.

Markaasi kadib XIldhibaannada Baarlamaanku waxey bilaabeen iney soo jeediyaan tallooyin la xiriira xaaladda dalku marayo waxaana Xildhibaan Aweys C/laahi Ibraahim ka hadlay xiligan baahida loo qabo mushaaraadka shaqaallaha dowladda oo deg deg loo helo maadaama la gaaray bisha barakeysan ee Ramadaan islamarkaana ay shaqaallaha rayidka ah ee Dowladdu ku xeyndaaban yihiin darruufo kala gedisan.

Xildhibaan C/laahi Goodax Bare ayaa isaguna ka hadlay cabashooyinka ka imaanaya shacabka ee la xiriira viisooyinka dal ku galka ah ee ay dadka muslimiinta ku aadaan boqortooyada sacuudiga ah si ay u gutaan waajibaadka Xajka taasi oo ay dadka Soomaaliyeed si weyn ugu dhibtoodaan.

XIldhibaan Yuusuf Maxamed Cali ayaa isaguna ka hadlay soo jeedin ay Mudaneyaal ka tirsan Baarlamaanka horey ugu gudbiyeen Guddoonka qaab mooshin ah derbiga ay dowladda Kenya ka dhiseyso xuduudda ay la wadaagto dalkeenna.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan jawaari oo ka hadlay gebagebadii kulanka Baarlamaanka ee maanta ayaa magaca Baarlamaanka ugu hambalyeeyey Shacabka Soomaaliyeed bilashada bisha barakeysan ee Ramadaan waxaana uu ku booriyey Umadda iney isku gar gaaraan bishan oo la tabaaleeyo dadka masaakiinta ah.

Dhinaca kale Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa loo qeybiyey Hindise Sharciyeedyada Xisbiyada Siyaasadda,Hay’adda maareynta masiibooyinka iyo magacaabista ku xigeenka Habdhowraha oo loo magacaabay Mudane Xildhibaan Maxamed Cumar Maxamuud.

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip