Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo dambi ku weysay saraakiishii lagu eedeeyay in ay fududeeyeen qaraxii Hotel SYL-Sawirro

0
Tuesday June 16, 2015 - 22:07:30 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1557
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo dambi ku weysay saraakiishii lagu eedeeyay in ay fududeeyeen qaraxii Hotel SYL-Sawirro

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa u fariisatay dhageysiga dacwad ciqaabeed loo haystay saraakiil ka tirsan ciidamada Booliska iyo nabad sugidda Soomaaliya 15-kii Bishaan kuwaas oo mudooyinkaan ku xirnaa Xabsiga dhexe ee Magaalada Muqdisho.

Saraakiishaan ayaa lagu eedeeyay in ay wax ka Ogaayeen Weerar Ismiidaamin ah oo 22-kii bishii Janaayo ka dhacay Hotel SYL ee magaalada Muqdisho,kaas oo mas’uuliyadiisa ay sheegteen kooxda nabad diidka ah ee Al-shabaab.

Waa kuwan magacyada saraakiisha;

1-Gaashale dhexe Maxamed Daahir Cabdule Taliyihii hore ee saldhigga Boliiska degmada Hodan

2- Labo Xidigle Mahad Cabdi Cumar

3- Xasan Daahir Maxamed

4- Kormeere Saddexaad Axmed Qadar Maxamed Xasan

Guddoomiyaha maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida gaashaanle Xasan Cali Nuur "Shuute” oo Warbaahinta u akhriyay xukunka ayaa sheegay in Saraakiisha aan KOR ku soo sheegnay lagu waayay dambiyadii lagu soo eedeeyay sidaa darteed xabsiga laga siidaayo haddii aan loo heysan dambi kale.

Sidoo kale maxkamadda ayaa dil toogasho ah ku xukuntay labo askari oo ka tirsan ciidamadda xoogga dalka Soomaaliyeed,kuwaas la sheegay in ay horay dad u dileen.



2255




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip