Saraakiisha Boliiska Soomaaliya iyo AMISOM oo ka wada hadlay adkeynta ammaanka-Sawirro

0
Tuesday June 16, 2015 - 18:24:12 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1566
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Saraakiisha Boliiska Soomaaliya iyo AMISOM oo ka wada hadlay adkeynta ammaanka-Sawirro

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Taliyaha ciidanka Boliiska Soomaaliyeed sareeyo guuto Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa maanta xafiiskiisa kulan kula yeeshay taliyaha ciidanka Boliiska ee AMISOM Anaan Pillay, iyadoo kulanka ay kaga wada hadlayeen labada taliye arrimo kale duwan o la xiriira horumarinta iyo xoojinta amniga.

Kulanka ayaa waxa aad iskula soo qaadeen labada Taliye sida looga hortagi karo qataraha Argagaxisada ay u maleegaaan umadda Soomaaliyeed xiliga cibaada ay ku jiraan oo Ramadaanka uu qeyb ka yahay, waxaana taliyeyaasha ay isla garteen in muhiim ay tahay in si wada jir la isaga kaashado Ilaalinta Amniga.

Taliyaha ciidanka Boliiska Soomaaliyeed sareeyo guuto Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa xusay in ciidamada Boliiska iyo kuwa AMISOM ee Boliiska ah in ay diyaariyeen qorshe ay iskula sugayaan xaqiijinta amniga islamarkaana ay rajeynayaan in dadka ay u suura galiyaan in si nabdoon ay gutaan waajibaadka bisha barakeysan ee Ramadaan.

Dhinaca taliyaha ciidanka Boliiska Soomaaliyeed kulan qado ah oo lagu dhiira galinayay dhalinyarada kooxda Heegan oo ka tirsan ciidanka Boliiska Soomaaliyeed oo dhawaan key guuleysatay tartanka horyaalka kubadda cagta ah ee dalkeena, waxaana kulanka ku wehilinayay taliyaha saraakiisha ciidamada Boliiska.

Guddoomiyaha Kooxda Kubadda cagta ah ee Heegan oo munaasabadda goob joog ka ahaa ayaa ka sheekeeyay marxaladooyinkii ay soo martay Kooxda heegan, waxaana uu sheegay in ay aad ugu faraxsanyihiin in ay la kulmaan Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, waxaana uu u gudbiyay baahiyaha kooxda ay qabaan oo uu sheegay in muhiim ay tahay in wax lagala qabto.

Taliyaha ciidanka Boliiska Soomaaliyeed sareeyo guuto Maxamed Sheekh Xasan Xaamud oo isna la hadlay ciyaartodya kooxda Kubadda Cagta ee Heegan ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay la kulanka uu la kulamay waxaana uu balanqaaday in uu wax kala qaban doono baahiyaha ay qabaan mar walbana kulamada noocaan oo kale ah uu la qaadan doono.

DSC03009DSC03010DSC03012DSC03014DSC03015DSC03016DSC03017





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip