Dowladda Japan oo qalab ugu deeqday wasaaradda amniga gudaha-Sawirro

0
Tuesday June 16, 2015 - 18:19:19 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1889
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Japan oo qalab ugu deeqday wasaaradda amniga gudaha-Sawirro

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Munaasabad kooban oo lagu qabtay xarunta taliska ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ee Comanda Boliisiya ayaa waxaa qalab isgaarsiin oo casri ah oo dowladda Jaban ugu talo gashay ciidanka Boliiska Soomaaliyeed kula wareegay wasiirka Amniga gudaha dalka mudane C/risaaq Cumar Maxamed, waxaana halkaasi ku sugnaa taliyaha ciidanka Boliiska Soomaaliyeed sareeyo guuto Maxamed Sheekh Xasan Xaamud, Saraakiisha Ciidanka Boliiska saraakiil ka socotay AMISOM, Qaramada midoobay iyo marti sharaf kale.

Taliyaha ciidanka Boliiska Soomaaliyeed sareeyo guuto Maxamed Sheekh Xasan Xaamud iyo wasiirka Amniga dalka C/risaaq Cumar ayaa waxaa qalabkani oo ah mid isgaarsiineed oo casri ah waxaa uu wax ka bedeli doonaa habka shaqada ciidanka iyadoo munaasabadda ay goob joog ka ahaayeen howlwadeenada ku shaqeyn doona qalabka cusub.

Taliyaha ciidanka Boliiska Soomaaliya kan ciidamada AMISOM, sarkaal ka socday Qaramada Midoobay waxay si wada jir ah u soo dhaweeyeen qalabkani loogu deeqay Soomaaliya gaar ahaan ciidamada Booliiska Soomaaliyeed.

Wasiirka Amniga Gudaha Crisaaq Cumar Maxamed oo qalabkani muhiimadiisa ka hadlay ayaa sheegay in wax badan uu ka tari doono howlaha isgaarsiineed ee ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, ayna ka mahadcelinayaan.

Dhanka kale, Taliyaha ciidanka Boliiska Soomaaliyeed sareeyo guuto Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa maanta xafiiskiisa kulan kula yeeshay taliyaha ciidanka Boliiska ee AMISOM Anaan Pillay, iyadoo kulanka ay kaga wada hadlayeen labada taliye arrimo kale duwan o la xiriira horumarinta iyo xoojinta amniga.

Kulanka ayaa waxa aad iskula soo qaadeen labada Taliye sida looga hortagi karo qataraha Argagaxisada ay u maleegaaan umadda Soomaaliyeed xiliga cibaada ay ku jiraan oo Ramadaanka uu qeyb ka yahay, waxaana taliyeyaasha ay isla garteen in muhiim ay tahay in si wada jir la isaga kaashado Ilaalinta Amniga.

Taliyaha ciidanka Boliiska Soomaaliyeed sareeyo guuto Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa xusay in ciidamada Boliiska iyo kuwa AMISOM ee Boliiska ah in ay diyaariyeen qorshe ay iskula sugayaan xaqiijinta amniga islamarkaana ay rajeynayaan in dadka ay u suura galiyaan in si nabdoon ay gutaan waajibaadka bisha barakeysan ee Ramadaan.

Sidoo kale taliyaha ciidanka Boliiska Soomaaliyeed kulan qado ah oo lagu dhiira galinayay dhalinyarada kooxda Heegan oo ka tirsan ciidanka Boliiska Soomaaliyeed oo dhawaan key guuleysatay tartanka horyaalka kubadda cagta ah ee dalkeena, waxaana kulanka ku wehilinayay taliyaha saraakiisha ciidamada Boliiska.

Guddoomiyaha Kooxda Kubadda cagta ah ee Heegan oo munaasabadda goob joog ka ahaa ayaa ka sheekeeyay marxaladooyinkii ay soo martay Kooxda heegan, waxaana uu sheegay in ay aad ugu faraxsanyihiin in ay la kulmaan Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, waxaana uu u gudbiyay baahiyaha kooxda ay qabaan oo uu sheegay in muhiim ay tahay in wax lagala qabto.

Taliyaha ciidanka Boliiska Soomaaliyeed sareeyo guuto Maxamed Sheekh Xasan Xaamud oo isna la hadlay ciyaartodya kooxda Kubadda Cagta ee Heegan ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay la kulanka uu la kulamay waxaana uu balanqaaday in uu wax kala qaban doono baahiyaha ay qabaan mar walbana kulamada noocaan oo kale ah uu la qaadan doono.

DSC02853DSC02854DSC02863DSC02868DSC02898DSC02900DSC02907DSC02921DSC02941DSC02949DSC02962





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip