Madaxweynaha Soomaaliya oo dalka ku soo laabtay

0
Tuesday June 16, 2015 - 17:07:00 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1708
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Soomaaliya oo dalka ku soo laabtay

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Madaxweynaha Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wefdigii uu hogaaminaayay oo dalka Koonfur Afrika ugu qeybgalay shir madaxeedka Midowga Afrika oo lagu qabtay magaalada Johannesburg ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay.

Garoonka diyaaraha ee Aadan Cadde ee Muqdisho ayaa waxaa ku soo dhaweeyay gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan "Jawaari”,xubno ka tirsan labada gole ee dowladda Soomaaliya iyo saraakiil kale.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa intii uu ku sugnaa dalka Koonfur Afrika ka sokow ka qeybgalka shirka midowga Afrika,waxaa uu halkaasi kulan kula yeeshay madaxda dalalkooda ciidamada ay ka joogaan Soomaaliya isagoo ugu mahadceliyay taageerada dhanka amniga oo ay siiyeen Soomaaliya.

Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale waxaa uu kulan balaaran la yeeshay jaalliyadda Soomaaliyeed oo key dhaqan dalka Koonfur Afrika kaas oo ka dhacay magaalada Johannesburg.

Maxamed Cali Mire oo ah qunsulka safaaradda Soomaaliya ee dalkaasi isla markaana ah ku simaha xilka safiirka oo kulanka ka hadlay ayaa madaxweynaha iyo mas’uuliyiintiintii la socotay waxaa uu u sheegay in jaalliyadda Soomaaliyeed ee dalka Koonfur Afrika ay yihiin dad aad u wanaagsan oo ah dad wax soo saar leh,isagoo xubnihii soo qaban qaabiyay kulanka aad u bogaadiyay.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo halkaas kula hadlay jaalliyadda ayaa ugu warbixiyay xaaladda dalka uu iminka ku sugan yahay gaar ahaan arimaha ammaanka, siyaasadda, dhaqaalaha iyo dib u dhiska ka socday dalka guud ahaan.

Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in fikirka Al-shabaab uu yahay fikir ka yimid dibadda isla markaana uusan la heyd dhalasho gaar ah iyo xuduud uu ku egyahay loona baahan yahay in ay in la iska ilaaliyo.

Madaxweynaha ayaa jaalliyadda ka codsaday in ay ka qey qaataan gurmadka loo sameynaayo dadka Soomaaliyeed ee ku dhibaateysan dalka Yeman oo ay dagaalo ka socdaan,waxaana uu tilmaamay in dalkaasi ay ku nool yihiin 260,000 oo key diiwaangashan Qaramada Midoobay tiro kale oo ku dhow 100,000 ay yihiin kuwo ku kala nool guud ahaan dalkaasi.

Mudane Xasan Sheekh Maxamuud madaxweynaha dowladda Soomaaliya sidoo kale sheegay in dhibaatada jaalliyadda Soomaaliyeed loogu geysto dalka Koonfur Afrika aysan aheyd mid ay ka dambeyso dowladda Koonfur Afrika,balse Soomaaliya ay isku dayso in ay wax ka qabato arimahaasi.

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip