Gudoomiye Jawaari oo shacabka ugu baaqay in ay isku kalsoonaadaan

0
Tuesday June 16, 2015 - 16:57:18 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1594
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gudoomiye Jawaari oo shacabka ugu baaqay in ay isku kalsoonaadaan

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Gudoomiyaha Barlamaanka Federaalka Soomaaliya,ku simaha Ra’isal wasaaraha ahna wasiirka cadaaladda mas’uulayiin kale oo socday labada gole dowladda,Xeer ilaaliyaha guud ee qaranka,taliyaasha ciidanka Asluubta iyo nabadsugida, xubna ka socda maamulada ka jira dalka iyo wakiilo ka socday beesha calaamka ayaa maanta ka qeybgalay munaasabada furitaanka siminaarkan lagu baranayo nabadda, horumarka iyo dib u heshiistiinta isla markaana ay soo qaban qabisay Wasaaradda arimaha gudaha.

Cabdirashiid Maxamed Xidig wasiiru dowlaha wasaaradda arimaha gudaha iyo federaalka xukuumada Soomaaliya ayaa ka warbixiyay ahmiyadda siminaarka uu leeyahay iyo waxyaaabaha la filaayo in ay ka soo baxaan.

" Sadexda qodob oo ugu muhiimsan ayaa ah in la helo qaab dhismeed mideysan oo ku wajahan dib u heshiisiinta iyo wada xaajoodka bulshada si ay ugu fududaato wasaarada iyo maamulada horumarkan howshaasi” ayuu yiri Xidig.

Ku simaha Ra’isal Wasaaraha ahna wasiirka cadaaladda dowladda Soomaaliya Cabdilaahi Axmed Jaamac "Ilkajiir” ayaa ka qeybgalayaasha shirka iyo mas’uuliyiinta u jeediyay in dib u heshiisiinta iyo nabadda in door muuqada laga siiyo haweenka iyo dhalinyaradda Soomaaliyeed oo ah hormuudka bulshadda Soomaaliyeed.

"Waxaan ku talin lahaa in mudnaanta la siiyo haweenka iyo dhalinyarada,laakiin dagaalada wax loo adeegsado waa ayaga si xal loo gaaro waa in laga qeybgeliyaa” ayuu yiri wasiirka cadaaladda.

Gudoomiyaha Barlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa bulshada Soomaaliyeed kugu baaqay in ay ka qeyb qaataan ka shaqeynta nabadda iyo dowladnimada.

"Shacabkan Soomaaliyeed Alle ka sokow waan ku kalsoonahay karti fiican buu leeyahay wax laguu diidan yahay mar jiraan ee walaalow adiga isku day ogoona kartidaada la soo bax qof kasta oo muwaadin ah waa in la siiyaa fursad” sidaa waxaa sheegayJawaari.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip