Hey'adda Hormuud oo deeq gaarsiisay maxaabiista xabsiga dhexe-Sawirro

0
Tuesday June 16, 2015 - 16:52:21 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1649
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hey'adda Hormuud oo deeq gaarsiisay maxaabiista xabsiga dhexe-Sawirro

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Hay’ada samafalka Hormuud Foundation deeqdaan ay gaarsiisay xabsiga dhexe ee xamar maxaabiista ku jirta oo ay ugu talo gashay in bisha barakeysan ee ramadaanka lagu quudiyo maxaabiista xabsiga ayay ku simaha ra’iisul wasaaraha dalka iyo xubnaha kale ee dowladda ka socday goob joog u ahaayeen waxaana la wareeegay taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Janaraal Bashiir Maxamed Jaamac "Bashiir Goobe”.

kaalmadan ayaa waxaa ay isugu jirtay raashinka nuucyadiisa kala duwan iyo sidoo kale xoolo nool loogu talo galay in lagu gowraco maxaabiista inta lagu jiro bisha Ramadaan,maamulaha Hormuud Foundation Mudane Muuse Axmed Nuur ayaa waxaa uu faah faahiyay inta ay ka kooban tahay deeqdaasi.

"Hadaan waxyar idiin sheego alaabta meesha taala waa sadax boqol oo loor oo bariis ah sadax boqol loor oo sonkor ah,boqol loor oo bur ah ,afar kun afar boqol kilo oo timir ah ,kun liitar oo saliida wax lagu karsado ah,boqol gasac oo sharaab ah ,boqol iyo konton kilo oo caleen ah , kun iyo labo boqol oo joog oo isugu jira macawiso iyo funaanado iyo ilaa labaatan dumar ah dharkood”ayuu yiri Muuse.

Taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliyeed sareeyo gaas Bashiir Maxamed Jaamac {Bashiir Goobe} ayaa waxaa uu uga mahad celiyay Hormuud Foundation garab istaageeda maxaabiista iyo dadka danyarta ah waxaana uu balan qaaday in dadka loogu talo galay la gaarsiin doono.

"Waxaan mahad u celineynaa Hay’ada kheyriga ah ee Hormuud Foundation waana ka aqbalnay muxuu ahaa hadiyadii ay walaalaheeena ka mid ah dadka ugu tabarta daran maxaa yeeelay dad xuriyadii laga qaadayQof ka tabar darani ma jiro meeshana hadana xabsiga dhexe waxaa ka socda muxuu ahaayee howlo badan sida aad la socoto”ayuu yiri taliyuhu.

Xeer ilaaliyaha guud ee qaranka Dr.Axmed Cali Daahir ayaa waxaa uu ku bogaaadiyay Hay’ada Hormuud Foundation iyo cid kasta oo dooneysa in ay caawiso danyarta in ay sii wadaan oo ilaahay dartiis ay u bixiyaan sadaqada.

"Waxaad fulineysaan waxaa waaye watacaawanuu calal biri wa taqwaa walaa tacaawanuu calal ithmi wal cudwaan, Kheyrka iyo wanaagga in la isugu kaalmeeyo xadiiskii rasuulka wuxuu ahaa manlaa yaxyam laa yurxam irxamuu man fil ardi yarxamukum man fisamaa inamaa yarxamuhu laahu min cibaadihi ruxamaa yacnii naska ku soo arooray Kheyrka nuucaasi oo kale ah runtii aadbuu u badan yahay ajarkiina ilaahay idinkama dayacayo”. Waxaa sidaa yiri Dr. Axmed.

Ku simaha ra’iisul wasaaraha dalka ahna wasiirka cadaalada xukuumada Soomaaliya mudane Cabdulaahi Axmed Jaamac {Ilka Jiir} oo gaba gabadii ka hadlay ayaa waxaa mahad celin ka dib ugu baaqay Hormuud Foundation iyo hay’adaha kaleba in ay caawiyaan dadka danyarta ah.

"Hormuud Foundation waa run sida uu sheegay xeer ilaaliyuhu ma ahan markii ugu horeysay waxaa weeye mar kasta oo kheyrka loo ordayo hormuud bey ka yihiin shirkadaha kale oo wali soo rafanaya waxaan leeeyahay adinkuna soo gaara wixii tabartiina cidna la qasbi maayee wixii tabartiina ah adinkuna wax ku bixiya”. Wasiirka ayaa sidaa yiri.

1234




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip