Madaxweynaha Dalka oo kulan gaar ah la yeeshay dhiggiisa dalka Tanzania

0
Monday June 15, 2015 - 14:17:47 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1374
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Dalka oo kulan gaar ah la yeeshay dhiggiisa dalka Tanzania

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa xarunta uu ka socdo shir madaxeedka Midowga Afrika ee magaalada Johannesburg, kulan kula yeeshay Madaxweynaha Jamhuriyadda Midowdey ee Tanzania, Mudane Jakaya Mrisho Kikwete.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu horeyn uga mahadceliyey dowladda Tanzania gacanta ay ka geysato dadaalka Midowga Afrika iyo beesha caalamka ee ku aaddan dib u dhiska Soomaaliya, isagoo dhanka kalena sheegay in Tanzania ay tusaale u tahay dalalka qaaradda Afrika, dhinacyada siyaasadda, xasiloonida iyo midnimada.

Madaxweynaha Tanzania, Jakaya Kikwete ayaa isna kulankaasi ka sheegay in dowladdiisa ay mar walba diyaar u tahay inay iskaashi dhinacyo badan la sameyso Soomaaliya, isagoo sidoo kale bogaadiyey horumarka siyaasadeed iyo nabadgelyo ee ay Soomaaliya ku tilaabsatey, colaadihii iyo dhibaatooyinkii dhacay kadib.

Madaxweyne Kikwete ayaa sidoo kale kulankaasi casuumaad ugu fidiyey Madaxweynaha Soomaaliya inuu booqdo Tanzania, iyadoo Madaxweyne Xasan Sheekh uu casuumaaddaasi aqbaley.

Kulankaasi oo ku dhacay jawi is-afgarad leh ayaa waxaa goob joog ka ahaa Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Hadliye Cumar, Wasiir ku Xigeenka Arrimaha Dibedda ee Tanzania, Mahadi Maalim iyo mas’uuliyiin kale




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip