Ku dhawaad Todobo kun Arday oo u fadhiisatay Imtixaanka Shahaadiga "SAWIRRO"

0
Monday June 15, 2015 - 13:43:35 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 2313
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ku dhawaad Todobo kun Arday oo u fadhiisatay Imtixaanka Shahaadiga "SAWIRRO"

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Ku dhawaad Todobokun oo arday Soomaaliyeed ayaa maanta u fadhiisatay Imtixaanka Shahaadiga ee ay Wasaaradda Waxbarashada Waxbarashada ka qaadeyso ardayda dhigata Dugsiyada sare ee bartamaha iyo Koonfurta Soomaaliya.

Ku-simaha Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federalka ah ee Soomaaliya ahna Wasiirka Cadaaladda Cabdullahi Axmed Jaamac (Ilka-jiir) oo ay wehliyaan Wasiirada Waxbarashada Khadra Bashiir Cali, Warfaafinta iyo dhaqanka Mudane Maxamed Cabdi Xayir "Maareeye” Aminga gudaha Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa si rasmi ah u furayqaadista Imtixaanka shahaadiga dugsiyada sare ee ku yaala Bartamaha iyo Koonfurta Soomaaliya, si ardayda ay u helaan shahaadooyin mid ah oo Wasaaraddu aqoonsatahay.

Sidoo kale Mnaasabadda waxaa ka qeyb galay Taliyeyaasha Booliska iyo Nabad sugiddaiyo Madaxsare oo ka tirsan dowladda, iyadoo ardayda ay imtixaanku ku galayeen dugsiga 15 May, waxaanaardayda u rajeeyeen in Imtixaanka uu Alle ku guuleeyo.

Sidoo kale Ku-simaha Ra’iisul wasaaraha oo ay wehliyaan Wasiirka Amniga gudaha iyo Wasiiru-dowlaha Waxbarashada Mudane Cabdullaahi Bile Nuur ayaa imtixaanka ka furay Iskuulkii hore ee farsamada ee Buulo-Tikniko, halkaasi oo ay ku sugnaayeen ardayda aad u fara badan oo imtixaanka ka qeyb galaysay.

Sidoo kale Ku-simaha Ra’iisul wasaaraha ayaa waxa uu maanta Imtixaanka ka furay Jaamacadda Ummadda, halkaasi oo ay joogeen arday aad u fara badan, iyadoo ay jiraan Iskuullo kale oo uu kormeer ku sameeyay Wasiirka Cadaaladda, waxaana uu xusay inay tahay tallaabo lagu farxo.

Ku dhawaad 200 oo arday oo wax ka dhigta iskuulada magaalada Gaalkacyo ayaa iyana saaka u fadhiisantay Imtixaanka mideysan oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Waxbrashada, waxaana tani ay noqoneysaa mudd 24 sano kaddib in arday Soomaaliyeed ay u fadhiistaan Imtixaanka Shahaadiga ah ee dugsiyada sare, iyadoo ay sidoo kale jiraan arday imtixaanka ku galeysay xarunta Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed.

Magaalooyinka Cadaado, Beladweyne, iyo qaar kale ku yaalla bartamaha iyo koofurta dalka ayuu saaka si rasmi ah uga bilowday Imtixaanka.

Sidoo kale magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay ayaa iyana waxaa ka bilaabatay Imtixaanka shahaadiga ee ay qaadayso Wasaaradda Waxbarashada iyo tacliinta sare ee dowladda Soomaaliya.

12467IMG_0784IMG_0785IMG_0802IMG_0818IMG_0825

IMG_0840




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip