Wasiirka amniga gudaha oo xariga ka jaray xarun lagu dhaqan celinayo maleeshiyaadka ka soo goosta Ururka Ugus

0
Monday June 15, 2015 - 13:27:27 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1292
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka amniga gudaha oo xariga ka jaray xarun lagu dhaqan celinayo maleeshiyaadka ka soo goosta Ururka Ugus

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Dowladda Somaaliya ayaa si rasmi ah magaalada Muqdisho uga hirgalisay xarun loogu talagalay in lagu dhaqan celiyo dhallinyarada kasoo goosanaysa Ururka Gumaadka Umadda Soomaaliyeed Ee ugus

Munaasabadda xariga looga jarayay xaruntan cusub ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiir ku-xigeenka Diinta iyo Awqaafta, taliyaha nabad sugidda, culimaa’udiin iyo xubno kale, waxaana loogu talagalay hanuuninta dadka xagjirka ah.

Madaxa xarunta dhaqan celinta Cabdiraxmaan Sahal ayaa sheegay in xarunta ay xoogga saari doonto sidii fikirka qaldan ee lagu shubay looga baabi’in lahaa dhallinyarada la qalday.

Sheekh Nuur Baaruud Gurxan oo isna goobta ka hadlay ayaa tilmaamay in dhallinyarada ay ka faa’iideystaan fursadda ay heystaan.

Taliyaha Ciidanka Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Jeneraal Cabdiraxmaan Tuuryare ayaa xusay in xarunta ay noqon doonto goobta lagu dhaqan celiyo dhallinyarada la qalday.

Wasiir ku-xigeenka Awqaafta iyo Diinta Macalin Cali Aadan ayaa sheegay in ay la shaqeynayaan mas’uuliyiinta xaruntan, Wasaaraduna ay qorsheyneyso sidii ay arrintan ay key taageeri lahayd.

Wasiirka Amniga gudaha Mudane Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa sheegay in loo baahanyahay in si wanaagsan loola shaqeeyo dadka xarunta gacanta ku haya, isagoo xusay inay tahay meesha kaliya ee laga hagi karo dadka lagu marin habaabiyay fikirka qaldan ee ay Shabaabku aaminsanyihiin.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip