Wasiirka Arimaha Gudaha & Federaalka:- "Ahlu Sunna Wal-jamaaca qeyb ayay ka noqon doonaan Dhismaha Maamulka Goboladda Dhexe"

0
Sunday June 14, 2015 - 12:56:39 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1582
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Arimaha Gudaha & Federaalka:- "Ahlu Sunna Wal-jamaaca qeyb ayay ka noqon doonaan Dhismaha Maamulka Goboladda Dhexe"

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Cadaado- 13 Juun 2015 – Shirka dhismaha maamulka Gobolladda Dhexe ee Soomaaliya ayaa si habsami leh uga socda magaaladda Cadaado iyadoo Wasaraadda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Dowladda Soomaaliya dadaal xoogan ugu jirto in shirka maalmaha soo socda natiijooyin ka soo baxaan.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen (Odowaa) oo ku sugan magaaladda Cadaado ayaa sheegay in shirka  dhismaha maamulka Gobolladda Dhexe uu meel wanaagsan marayo,  islamarkaana todobaadkan lagu jiro  la ansixin doono  dastuurka Maamulka Gobollada Dhexe, lana soo xuli doono xubnihii baarlamaanka dowlad gobolleedka.

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka ayaa sidoo kale timaamay in ay jiraan wada- hadallo ay la wadaan Ahlu Sunna Wal-jamaaca si ay qeyb uga noqdaan geedi – socodka nabadda iyo dhismaha Dowlad Gobolleedka Galgaduud iyo Mudug. Wasiirka ayaa sidoo kale carabka ku adkeeyay in dhismaha maamulka Gobollada Dhexe yahay mid ay u wada dhanyihiin dhammaan bulshadda labada gobol, isla markaana kuna salaysan hanaan wadatashi iyo is-qancin.

Ugu dambeyn, Wasiirka ayaa uga mahad-celiyey siyaasiyiinta, odayaasha, haweenka, dhallinyaradda iyo dhammaan wax – garadka Gobollada Dhexe sida ay uga go’an tahay dedejinta iyo ka miro-dhallinta dhismaha maamulka.

 

Dhammaad




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip