Taliyaha Ciidanka Boliiska Oo La Hadlay Maanta Arday Soo Codsaday Ka Mid Noqoshada Boliiska

0
Saturday June 13, 2015 - 12:59:33 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1814
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliyaha Ciidanka Boliiska Oo La Hadlay Maanta Arday Soo Codsaday Ka Mid Noqoshada Boliiska

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sareeyo guuto Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa maanta kula kulmay akadeemuyada boliiska ee Gen kaahiye Ardaydii 10-kii bisha imtixaanka ku biirista ciidanka boliiska u fadhiistay kuwass oo maanta loogu dhawaaqayay natiijadii imtixanka.

Ugu horayntii taliyaha ayaa soo dhoweeyay ardayda una sheegay in ciidanka uu u baahan yahay dhalinyaro cusub oo berito noqota madaxdii dalkan hoggamin lahayd.

Wuxu kula dardarmay in ay ku qancaan natiijada Imtixaanda intii la xushana ay yihiin dhalinyaro soomaaliyeed oo ciidanka ku biirtay inta kalana aan kaga maarmi doonin balse loo qaadan doono tababarona dalka gudihiisa lagu siin doono.

sidoo kale waxaa ardayda la hadlay safiirka somaliya ee dalka sacuudiga Amb Dahir Maxamud Geele o la dardaarmay ardayda una sheegay in uu dalku u baahan yahay dhalinyaro iyaga oo kale ah aqoon leh diyaarna u ah in ay dalka badbaadiyaan soona celiyaan sharaftiisa.

Dhinaca kale Imtixaankii labaad ayaa maanta laga qaaday arday ka kala timid gobolada  gaar ahaan Baay iyo Gedo maadaama ka soo dib dhaceen imtixaanki hore. Waana imtixaanka xulashada layli saraakiisha loo qaadanayo ciidanka boliiska


20150612_103049_resized20150612_092042_resized20150612_092234_resized20150612_092244_resized20150612_092252_resized20150612_092405_resized20150612_092412_resized20150612_092913_resized20150612_095030_resized20150612_095039_resized20150612_103041_resized



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip