Ciidamada Nisa Oo Howlgalo Ka Sameeyay Degmada Hodan

0
Saturday June 13, 2015 - 12:56:10 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 2550
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada Nisa Oo Howlgalo Ka Sameeyay Degmada Hodan

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Howlgalkani Ciidamada Hey’adda Nabad sugida iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA ay ka sameeyeen Degmada Hodan ee gobolka Banaadir ayaa waxaa lagu baarayay guryaha iyo gawaarida, iyadoo ujeedka howlgalkaasi uu ahaa isku xirka dadka shacabka ah iyo hey’adaha ammaanka.

Ciidamada ayaa guri guri u baarayay xaafadaha ay ka koobantahay degmadaasi, waxaana dadka shacabka oo  ayidsanaa howlgalka, ciidamada ay la wadaagayeen xoga la xiriira xaqiijinta ammaanka oo suura galineysa in gacan bir ah lagu qabto amniga.

Guddoomiye ku xigeenka dhinaca amniga iyo siyaasadda ee degmada Hodan Cali Cabdi Cabdulle oo qeyb ka ahaa mas’uuliyiintii hogaamineysay howlgalka laga fuliyay Demadaasi ayaa sheegay in ka maamul ahaan ay ku dadaalayaan xaqiijinta ammaanka iyo ka warqabka dadka shacabka ah.

Afhayeenka Wasaaradda Amniga Gudaha Maxmed Yuusuf Cismaan oo la hadlay warbaahinta ayaa faah faahin ka bixiyay howlgalka, isagoo sheegay in howlgalka ujeedkiisu uu ahaa sidii loo xoojin lahaa isku xirnaanta laamaha ammaanka iyo dadka shacabka ah, waxaana dadka ku dhaqan Hodan oo ka codsaday in si toos ah ay ula shaqeeyaan laamaha ammaanka islamarkaana ay hubiyaan dadka dariska la ah.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip