Sooma jeestayaasha Ciidanka xoogga Dalka Oo Howlgalo Ka Sameeyay Deegaano Hoosyimaada Tiyeeglow

0
Saturday June 13, 2015 - 12:40:23 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1218
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sooma jeestayaasha Ciidanka xoogga Dalka Oo Howlgalo Ka Sameeyay Deegaano Hoosyimaada Tiyeeglow

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Guddomiye kuxigeenka degmada Xudur Aadan Cabdi Maxamed oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in ciidammada Xoogga Dalka ay howl gallo ka sameeyeen deegaanno dhowr ah oo isku xira Xudur iyo Tiyigloow, halkaasi oo si dhuumaaleysi ah ay dadka ugu waxyeeleyn jireen maleeshiyaadka argagixisada ah ee Al-Shabaab.

Aadan Cabdi ayaa sheegay in Howlgalkaas ay ciidamada dowladda ku dileen 10 kamid ah kooxda argagixisada ah ee Al Shabaab oo uu ka mid yahay horjoogihii kooxdaasi u qaabilsanaa gobalka Bakool.

Guddomiye ku xigeenka ayaa hadalkiisa intaa ku daray in ciidammada dowladda ay howlgalkaasi ku soo furteen hubkii ay dadka ku dhibaateyn jireen kooxda Al Shabab.

Howlgakan ayaa ujeedakiisu ahaa sidii loo ciribtiri lahaa maleeshiyaadka sida dhuumaaleysiga ah waddooyinka ugu gala dadka shacabka ah gaar ahaanna deegaanada isku xira Xudur Iyo Tiyigloow.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip