Sheekh Nuur Baaruud Oo Bulshada U Faah Faahiyay Falalka Guracan Ee Argagaxisada "Sawirro"

0
Friday June 12, 2015 - 22:47:11 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1718
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sheekh Nuur Baaruud Oo Bulshada U Faah Faahiyay Falalka Guracan Ee Argagaxisada "Sawirro"

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Isagoo boqolaal dadweyne ah kula hadlayay masajidka weyn ee daawada oo ku dhex yaala suuqa  Bakaaraha ee magaalada Muqdisho Sheekh Nuur Baaruud Gurxan Afhayeenka Hay’ada Culimada Soomaaliyeed ayaa waxaa uu ka hadlay ahmiyada ay leeedahay in loo diyaar garoobo wanaagga iyo kheyrka bisha barakeysan ee Ramadaan  oo fooda nagu soo haysa waxaana uu Sheekhu sidoo kale bulshada Soomaaliyeeed ka codsaday in si wada jir ah looga hortago dhibaatada bulshada ay ku hayaan kooxaha Argagixisada ah.

Sheekha ayaa waxaa uu ku cambaareeyay kooxaha UGUS dhibaatada bulshada ay ku hayaan waxaana uu ka codsaday bulshada in ay meel uga soo wada jeeestaan kooxahaas.

"Magaalada Xamar oo 100% muslim ah in la yiraahdo qof walba hala dilo sheekh hala dilo Shariif hala dilo kii dowlo ka socoda hala dilo bamboo suuqa hala dhigo wasaarad hala weeraro war dadkani goormey gaaloobeen?” ayuu yiri Sheekh Nuur.

Sheekha oo sidoo kale ah gudoomiyaha gudiga gurmadka iyo samata bixinta qaxootiga Soomaaliyeed ee dalka Yemen ka soo laabanaya ayaa waxaa ka  bulshada masaajidka ku soo tukatay iyo guud ahaan bulshada Soomaaliyeed waxaa uu ka codsaday in ay ka qayb qaataan gurmadka loo sameynayo dadkaas.

"Dadka Soomaaliyeed oo Yeman jooga oo dagaalka cir iyo dhul kaga socodo, shalayna lalahaa dad baa laga laayay oo masaakiin ah, Soomaali oo dhan waa ay u gurmanaysaa masaajida waa in ay lacago soo aruuriyaan oo ay ka qeybgalaan gurmadka dadka saaladda imaanaya ay la qaadaan lacag taana waa idin ka socodsanaa”. Ayuu markale yiri Sheekha.

Afhayeenka Wasaarada amniga Maxamed Yuusuf Cismaan ayaa ayaa sheeegay in muhiimad weyn ay u tahay amaanka in culimadu bulshada ku wacyi galiyaan ka qayb qaadashada Nabada.

IMG_0389IMG_0391IMG_0392IMG_0394IMG_0395IMG_0396IMG_0397IMG_0398IMG_0399IMG_0383IMG_0380IMG_0378IMG_0370IMG_0367IMG_0366




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip