Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Ka Hadlay Xaaladda Dalka

0
Friday June 12, 2015 - 22:37:07 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1534
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Ka Hadlay Xaaladda Dalka

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud shir jiraa’id uu xafiiskiisa ku qabtay ayaa waxa uu kaga hadlay arrimo kale duwan oo la xiriira xaaladda dalka oo ay u badanyihiin horumarka dalkeena hooyo uu ku tilaabsanayo iyo halka la hiigsanayo.

Mudane Xasan Xasan Sheekh Madaxweynaha Dalka oo shirka jiraa’id ku soo hadal qaaday xaaladaha amniga dalka, ayaa waxa uu sheegay in horumar badan laga sameeyay haddana amniga meel wanaagsan uu marayo, waxaana uu ku micneeyay qorshaha isku dhafka ciidamada in uu yahay mid muhiim u ah dalka uuna horseedi doono qorshahaasi horumar.

Madaxweynaha oo si faah faahsan kaga hadlayay xaaladda dalka ayaa dhanka siyaasada waxa uu ka yiri "warar dadka ay isla dhexmarayaan oo ah in xukuumadda lakala dirayo ayaa jira taasi maaha mid sax oo wax walbo wanaagaa halaga eego warxumo tashiilka hala joojiyo xukuuamdda way jirtaa wayna jireysaa, way dhici kartaa wasiirkii xilkiisa gudan waayo in xilka laga qaado oo mid xilka ka soo bixi kara lagu badalo”

Madaxweynaha Soomaaliya oo ka hadlay dhanka dhaqaalaha ayaa cadeeyay in dhaqaalaha uu kobcay, waxaana uu xusay in aysan jirin miisaaniyad dhaqaale oo ay dowladu ka hesho beesha caalamka.

"Dowladu waxay ku dadaaleysaa tayeynta shilinka Soomaaliya oo qiimihiisu dhacayo, waxaan shacabka Soomaaliyeed ugu baaqayaa in ay nagala shaqeeyaan soo celinta qiimaha shilinka Soomaaliga iyo tayeyntiisa”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlay calaaqaadka beesha caalamka ee Soomaaliya  ayaa sheegay in dowladu  ay hagaajisay xiriirka wadamada dunida iyo ururada caalamiga ah taasina sabab ay u noqotay in Soomaaliya ay ka muuqato dunida inteeda kale, waxaana uu tilmaamay in ay qorsheynayaan in ay iska bixiyaa qaaraanka ururada caalamiga ah ee Soomaaliya qeybta ka tahay.

Madaxweynaha oo shirkiisa jiraa’id aad u dheeraa ayaa ugu dambeytii ugu baaqay umadda Soomaaliyeed in ay la yimaadaan kalsooni iyo dulqaad taasi oo horseedeysa horumaro kale duwan.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip