Markabkii dowladdu dirtay oo Qaxooti Soomaaliyeed galabta ka soo qaaday dekedda Mukalla

0
Thursday June 11, 2015 - 20:35:17 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1215
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Markabkii dowladdu dirtay oo Qaxooti Soomaaliyeed galabta ka soo qaaday dekedda Mukalla

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Markab sida qaxooti Soomaaliyeed oo ku go’doonsanaa dalka Yemen ayaa galabta ka soo dhaqaaqay dekedda magaalada Mukalla ee isla dalkaasi Yemen.

Qunsulka guud ee Caden Axmed Cabdi Xasan "Sudani”oo isagu ka mid ah dadka saaran Markabka ayaa Radio Muqdisho u xaqiijiyay in markabkaasi uu galabta ka soo shiraacday dekedda Mukalla, isagoo intaa ku daray in qiyaastii muddo 26 saacadood ah uu ku soo gaari doono dekedda magaalada Boosaaso.

Sudani ayaa xusay in qaxootiga markabka saaran ay gaarayaan ilaa Laba Kun kuwaasoo uu tilmaamay iney u badanyihiin dadka jilicsan sida dumarka, caruurta iyo dadka da’da ah.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa markabkan dhawaan ka dirtay dekedda magaalada Muqdisho si uu usoo qaado muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Yemen.

Markabkan waxaa  ku deeqay islamarkaana dowladda ku wareejiyay ganacsade Soomaaliyeed si loogu soo daadgureeyo qaxootiga Soomaaliyeed ee ku go’doonsan dalkaasi.

Arrintan ayaa qeyb ka ah dadaallada wadajirka ah ee dowladda iyo guddiga samatabixinta qaxootiga Soomaaliyeed ee Yemen ay ugu jiraan sidii muwaadiniinta Soomaaliyeed dhamaan looga soo badbaadin lahaa dagaallada ka oogan dalka Yemen.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip