Golaha wasiirada oo falanqeeyay dar daarankii madaxweynaha oo maanta la kulmay"Warbixin"

0
Thursday June 11, 2015 - 20:30:45 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1150
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Golaha wasiirada oo falanqeeyay dar daarankii madaxweynaha oo maanta la kulmay"Warbixin"

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Shirka golaha wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee uu ku qeyb-galay madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ku labisnaa Dareeska ciidammada Xoogga dalka, waxaana horraanta shirka  si gaar ah diiradda loogu saaray arrimaha ammaanka, iyo sidii loo fulin lahaa qorshaha Xukuumadda ee ku aaddan dhismaha  maamullada, xalinta khilaafyada taagan iyo istaraatiijiyadda hiigsiga 2016-ka ee Soomaaliya.

Shirka golaha wasiirada Soomaaliya oo aad u dheeraa markii uu dhammaaday kadib waxaa warbaahinta Qaranka la hadlay wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdi Xayir "Maareeye”, waxa uu sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu laanta fulinta dowladda u jeediyey talooyin ku aaddan sidii loo dardar gelin lahaa dhammaan arrimaha muhiimka u ah dalka sida  nabadda  iyo qorshaha dhameystirka maamullada Federaalka ee dhismaya.

"Madaxweynaha iyo golaha wasiirada waxa ay wadaageen xaaladda dalka ku sugan  yahay,  madaxweynaha waxa uu golaha wasiirrada ku dhiiri geliyey dardar gelinta howlaha Xukuumadda, sida dhameystirka maamullada Federaalka ee dhismaya, xasllinta iyo xoreynta deegaannada ay nabad-diidku ku hareen, golaha wasiirrada waxa ay madaxweynuha siiyeen warbixin ka hadleysa howlaha ay wadaan” ayu yir wasiirka Warfaafinta

Dhanka kale Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiis Xukuumadda Soomaaliya, ayaa sheegay  in  golaha wasiirrada ay ka hadleen cabashooyinka kala duwan ee ka taagan arrimaha maamulka Jubaland, isagoo intaa raaciyey in Xukuumadda  guddi wasiirro ah u direyso magaalada Kismaayo, madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaana golaha wasiirrada u jeediyey in ay la yimaadaan istaraatiijiyad cad oo ku aaddan Hiigsiga 2016-ka ee Soomaaliya, si dalka ay doorasho isbadel leh uga dhacdo.

"Haddii ay Sunna-waljameeca tahay, Jubbaland tahay waxaa naga go’an in Masuuliyadeenna aan qaadano, wafdi wasiirro ayaa Kismaayo loo dirayaa, waxaas oo dhan Xukuumadda, ayaa nabad ka keeneysa, arrimaha dib u heshiisiinta iyo howlaha Xukuumadda gor gortan malahan,  madaxweynaha waxa uu golaha wasiirrada u sheegay in ay la yimaadaan isbadel cad si 2016-ka ay u dhacdo doorasho”.

Maxamed Cabdi Xayir "Maareeye” Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya, ayaa  tilmaamay in golaha wasiirrada ay soo dhoweeyeen heshiiska wax-soosaarka ee dhexmaray  dowladaha Soomaaliya iyo Masar, dhanka kale Wasiirka ayaa sheegay in Xukuumaddu ay sharci ka soo saari doono arrimaha Biy’ada iyo Wasaq lagu daadiyo deegaanka.

Hay’adaha wax-soosaarka ee Xukuuamadda, ayaa madaxweynaha warbixin ka siiyey heshiis suuq weyn leh oo u dhaxeeya Soomaaliya iyo Masar kaas oo lagu sameynayo Beer weyn oo cilmi-baaris ku aadan wax soo saarka Soomaaliya laga ogaan doono heshiiskaas Soomaaliya wax weyn ayuu u tarayaa, Muqdisho waxaa imaan doono wafdi ganacsato Masar ka socda”.

Golaha wasiirrada ayaa qeybta dambe ee shirkooda falan-qeyn ka yeeshay talada iyo  tusaalooyinka madaxweynaha dalka, iyagoo isku raacay in arrintaasi ficil loo badelo si Soomaaliya ay u gaarto hanaanka Dimoqoraadiyeed ee horseedi kara, xasilooni, siyaasadeed iyo in waddanka ay ka qabsoomaan doorashooyin.

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip