Taliyaha ciidanka Booliiska oo maanta kormeeray saldhigga Booliiska ee Afgooye

0
Thursday June 11, 2015 - 20:19:57 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1227
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliyaha ciidanka Booliiska oo maanta kormeeray saldhigga Booliiska ee Afgooye

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliyeed ayaa maanta Kormeeray dugsigii tababarka Ciidanka Boliiska ee Lafoole ee duleedka magaalada Muqdisho.

Jeneraal Maxamed Sheekh Xasan Xaamud taliyaha ciidanka booliiska ayaa kormeerkiisa ka bilaabay dugsiga tababarka Lafoole oo ay degganyihiin ciidamo ka tirsan Booliiska .

Taliyaha ayaa key soo wareegay qeybaha uu ka koobanyahay dugsigaasi oo ay ka baxeen dhir aad u badan oo u baahan in laga jaro, islamarkaana la dayactiro.

Sidoo kale taliyaha ayaa kormeer key tagay saldhiga ciidanka boliiska ee Degmada Afgooye, isagoo ciidamada ku sugan halkaasi faah faahin ka siiyay howlaha baaxadda leh ee uu Talisku wado ee la xiriira horumarinta iyo tayeynta ciidanka Boliiska Soomaaliyeed.

"On job tarainin in lagu shaqeeyo ayaa la rabaa waxaan idiin ku baaqayaa in aad iaalisanaa dishibiliinka islamarkaana aad ku dadaashaan xiriirka alle islamarkaana salaada aad dukataan markii kowaad ma noqonayo kormeerkani mar labaad ayaan idiin imaanayaa iyo waqtiyo kale duwan geela hala cuno xuquuqaadkiinana waan idiin raadinayaa” ayuu yiri Jeneraal Xaamud.

Dhinaca kale Taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliyeed  Sareeya gaas Bashiir Maxamed Jaamac ayaa isna waxa uu kormeeray xaruumaha ciidanka Asluubta ee ku yaala inta u dhexeysa magaalada Muqdisho iyo Degmada Afgooye.

Meelaha uu kormeeray waxaa ka mid ah xarunta agoonta ee wiilasha isagoo key wareegay qeybaha ay ka oobantahay xaruntaasi oo kala ah dugsiga dhexe ee wiilasha,dugsiga sare ee farsamada gacanta,isbitaalka xaruntaasi ay leedahay iyo qeybta, beerta Ciidanka Asluubta uu lahaa,Xabsiga magaalada Afgooye, iyo xarunti Agoonta gabdhaha oo u bahaan in la dayactiro.

"Ciidanka Asluubta waxaan soo marnay iskuulkii agoonta ee wiilasha ee deegaanka Lafoole, waxaan soo marnay xabsigii degmada Afgooye xaruntii agoonta gabdhaha runtii meelihii aan soo marnay waxaan ku soo aragnay


waxyaaba dhaqaajinaya qalbigaada oo waxaan soo arkay matooradii xiligii dowladda ay jirtay oo ka shaqeynaya xaruumhihii agoobnta wiilsha iyo iyo gabndhha” ayuu yiri Jeneraal Bashiir "Goobbe”.
Kormeerka maanta ay sameeyeen Talliyeyaasha Ciidanka Boliiska Soomaaliya iyo Asluubta ayaa qeyb ka ah dar dar galinta howlaha baaxada leh ee ciidanka laga sugayo iyo in ay si toos u wada shaqeeyaan labada ciidan oo shaqo wadaag ah.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip