SHARMAR'AKE: Waxaanu dhawaan Qaadi doonaa Dagaallo aanu ku soo Af-jarayno UGUS

0
Wednesday June 10, 2015 - 09:55:14 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1287
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    SHARMAR'AKE: Waxaanu dhawaan Qaadi doonaa Dagaallo aanu ku soo Af-jarayno UGUS

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay inay qaadeyso dagaal ka dhan ah Ururka Gumaadka Umadda Soomaaliyeed Ee UGUS  inta lagu jiro bisha Ramadaan ee soo socota si dalka oo dhan looga saaro Kooxdaasi falaagada ah oo ku dhuumaaleysanaya deegaanno fara ku tiris ah .

Ra’iisul Wasaaraha Dalka Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke oo ka hadlay shirka Golaha Ammaanka ee ka dhacay New York ayaa sheegay in Dagaallada ka dhanka ah UGUS  ay kaga saarayaan gobollada dalka si looga gun-gaaro Qorshaha Hiigsiga Cusub ee Soomaaliya 2016-ka.


Sidoo kale, RW Somalia oo la hadlayay wariyeyaasha kaddib kulanka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay in xiligii dalka oo dhan laga saari lahaa UGUS ay dhow-dahay, balse wuxuu xusay inay muddo dheer qaadanayso in maskaxda dhallinta Soomaaliyeed laga nadiifiyo fikirka xun ee Xagjirka ah.

"Waxaan Qarka u saaran nahay inaan Al-shabaab Jabinno,” ayuu yiri, wuxuuna intaasi ku daray in bilaha dhow ee soo Socda uu billaaban doono Hawl-galkii ciidanka si looga hor-tago khataraha kooxaha qaska iyo fowdada isku biirsaday".



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip