Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed Oo Howlgalo UGUS Lagu Qabtay Ka Sameeyay Garbaharey Deegaano Hoosyimaada

0
Wednesday June 10, 2015 - 09:01:51 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1385
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed Oo Howlgalo UGUS Lagu Qabtay Ka Sameeyay Garbaharey Deegaano Hoosyimaada

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.
Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliyeed ee ku sugan gobolka Gedo ayaa waxa ay howlgalo ammaanka lagu xaqiijinayo ka sameeyeen deegaano hoosyimaada degmada Garbahaarey ee gobolkaasi, waxaana howlgaladaasi lagu soo qabtay maleeshiyaad ka tirsan ururka gumaadka Umadda Soomaaliyeed oo ku dhuumaaleysanayay halkaasi.

Guddoomiyaha Degmada Garbahaarey ee gobolka Gedo Iimaan Cadow Kaarshe oo la hadlay Radiyaha Codka Ciidamada Qalabka Sida ayaa faah faahin ka bixiyay howlgaladaasi iyo sida loogu guuleystay oo uu sheegay in howlgalka ujeedadiisu ay eheyd xaqiijinta Ammaanka iyo baacsiga haraadiga iyo firxadka UGUS oo ku dhuumaaleysanaya deegaannada howdka ah ee Garbahaarey hoos yimaada.


Guddoomiyaha oo sii hadlay ayaa waxa uu sheegay howlgalka la sameeyay in lagu soo qabtay tiro dhagar qabayaal ah oo ka tirsan UGUS oo hadda gacanta Dowladda ku jira, wuxuuna xusay in ay sii xoojinayaan howlgalada ammaanka lagu xaqiijinayo ay ka fulinayaan deegaannada iyo degmooyinka gobolka Gedo.

Sooma jeestayaasha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa guud ahaan gobolada dalka ka wada howlgalo ammaanka lagu xaqiijinayo islamarkaana lagu baacsanayo firxadka UGUS oo waayihii ugu dambeeyay wajahayay guuldarooyin waa weyen iyo jab xoog leh oo kaga imaanayay Ciidamada Qalabka sida iyo walaalaha Africanka ah Ee AMISOM, taasi oo suura galisay in dad badan ay ka xoroobaan cadowga oo dhibaatooyin kale duwan kala kulmayay kuwaa oo mahdiyay natiijooyinka ka soo baxay howlgaladii is xig xigay oo ay ciidamadu fuliyeen.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip