Wasiirka arimaha gudaha oo lagu soo dhaweeyay Cadaado-Sawirro

0
Tuesday June 09, 2015 - 18:47:58 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1873
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka arimaha gudaha oo lagu soo dhaweeyay Cadaado-Sawirro

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Wefdiga wasiirka arrimaha gudaha iyo Federaalka xukuumadda Soomaaliya mudane C/raxmaan Maxamed Xuseen "Odawaa” ayaa waxaa qayb ka ahaa xildhibaano ka tirsan Baarlamanka, waxaana garoonka diyaaradaha Cadaado ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin kala duwan.

Wasiirka arrimaha gudaha ayaa munaasbad soo dhawayn ah loogu sameeyay Cadaado, taas oo ay ka qayb galeen ergada shirwaynaha, gudiga farsamada,  wasiir dawlada madaxtooyada mudane Mahad Salaad, mas’uuliyiin ka tirsan Ximan iyo Xeeb,  iyo marti sharaf kale.

Xaliimo Ismaaciil Ibraahim gudoomiyaha gudiga farsamada ayaa ugu horayn ka hadashay munaasabadaas, iyadoo sheegtay in hawlo badan u qabsoomeen gudiga, inta hartayna ay rajeynayaan in si hufan ay u qabtaan.

Madaxwaynaha Ximan iyo Xeeb C/llahi Cali Maxamed "Baarleex” ayaa isna sheegay in ka maamul ahaan ay xil wayn iska saarayaan amniga deegaanka iyo sidii shirkan ku guulaysan lahaa.

Wasiirka arrimaha gudaha iyo Federaalka mudane C/raxmaan Maxamed Xuseen "Odawaa” ayaa sheegay in socdaalkiisu la xiriiro fududaynta howlaha Ergada iyo xulista xubnaha Baarlamanka maamulkan uu yeelanayo.

DSC04879DSC04888  DSC04891DSC04893DSC04895DSC04896DSC04902DSC04908DSC04910DSC04911DSC04918




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip