Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Kenya oo si xun loogu dhaawacay Magaalada Nairobi

0
Monday March 23, 2015 - 11:55:01 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1423
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Kenya oo si xun loogu dhaawacay Magaalada Nairobi

    Xildhibaanka ka tirsan Baarlamaanka Dalka Kenya ayaa xalay lagu dhaawacay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya, sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya Magaaladaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xildhibaanka ka tirsan Baarlamaanka Dalka Kenya ayaa xalay lagu dhaawacay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya, sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya Magaaladaasi. Xildhibaanka la dhaawacay ayaa waxaa lagu magacaabaa Edick Anyanga, iyadoo dhaawaciisa uu yahay mid halis ah.

Mudanahan ayaa waxaa gurigiisa oo ku yaalla xaafadda Karen ee Nairobi ku weeraray afar nin oo hubeysan, kuwaasoo wajiyadu ay u qarsanaayeen, iyagoo xildhibaanka dhaawac halis ah u geystay.

Xildhibaanka ayaa la sheegay in dhaawacyo kasoo gaareen madaxa, garabka iyo mid ka mid ah gaacmihiisa, waxaana dhaawiciisa lagu daweynayaa Aga Khan Hospital oo ku yaalla bartamaha magaalada Nairobi.



"Aniga ayaa la hadlay xildhibaanka… xaaladdiisu way wanaagsanayd, balse dhakhaatiirta ayaa ii sheegay inay baaritaanno ku sameynayaa dhaawaca soo gaaray,” ayuu yiri mudane Nicholas Gumbo oo ka mid ah xubnaha baarlmaaanka Kenya.

Wuxuuna xildhibaankan intaas ku daray. "Ma doonayo inaan wax ka sheego arrintan illaa ay ciidanka booliisku warbixin kasoo saaraan baaritaannada ay haatan ku hayaan dhaawaca xildhibaanka.”

Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Kenya ayaa mudanaha kasoo saaray isbitaalka Karen oo markii hore la dhigay, iyagoo u soo wareejiyay Aga Khan Hospital. Iyadoo la sheegay in xalaaddiisu ay u muuqato mid wanaagsan.

Ma jirto illaa hadda cid sheegatay mas’uuliyadda weerarka xildhibaanka lagu dhaawacay; waxaase tani ay qayb ka tahay falalka ammaan-darro ee Kenya ka dhacayay tan iyo markii ay ciidamadeeda u soo dirtay gudaha Somalia.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip