Madaxweynaha: ''Waan soo dhaweyneynaa fikradaha saliimka ah ee dhalinyarada iyo aqoonyahannada si waddanka dib loogu dhiso''

0
Thursday May 14, 2015 - 11:55:43 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1113
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha: ''Waan soo dhaweyneynaa fikradaha saliimka ah ee dhalinyarada iyo aqoonyahannada si waddanka dib loogu dhiso''

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Muqdisho, 13 May 2015: Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudana Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xafiiskiisa kula kulmey dhalinyaro iyo aqoonyahanno, si uu u dhegeysto fikradahooda ku aaddan qaabka ugu habboon ee waddanka looga hirgelin karo isbeddelo waxtar leh oo la xiriira dhinacyada amniga, siyaasadda iyo dhaqaalaha.

Arrimaha lagu falanqeeyay kulanka ayaa waxaa ka mid ahaa Hiigsiga 2016, kobcinta dhaqaalaha iyo wax soo saarka dalka, maalgashiga, iyo in la sameeyo nidaam canshuureed habeysan.

Madaxweynaha ayaa soo dhoweeyay fikradaha halkaasi ay ka soo jeediyeen xubnahaasi, isagoo dhanka kalena kula dardaarmey inay kaalintooda ka qaataan dib u dhiska iyo badbaadinta dalka.

"Aad baan u soo dhoweynayaa fikradahiina saliimka ah. Maadaama dowladdeena ay ku dhisan tahay wadatashi waxaan weli idinka dhowreynaa inaad inoo soo gudbisaan fikrado kuwan aad maanta bixiseen ka badan oo ku qotoma dhinacyada amniga, siyaasadda iyo dhaqaalaha’’, ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Xubnaha dhalinyarada iyo aqoonyahannada isugu jira ayaa Madaxweynaha uga mahadceliyey fursadda loo siiyey inay fikirkooda ka dhiibtaan mustaqbalka waddanka, iyagoo balanqaadey inay dadaal badan gelin doonaan horumarka Soomaaliya cusub oo nabad ah.

–DHAMMAAD—




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip