Ciidamo Boliis Ah Oo Afgooye Xaafada Ka Mid Ah Fariisimo Ka Sameystay

0
Thursday May 14, 2015 - 11:24:05 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1312
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamo Boliis Ah Oo Afgooye Xaafada Ka Mid Ah Fariisimo Ka Sameystay

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Ciidamada Boliiska Soomaaliyeed ee ka howlgala magaalada Afgooye ee gobolka Shabeelaha hoose ayaa fariisimo cusub ka sameystay xaafada ka mid ah magaaladaasi si ay u sii xoojiyaan howlaha baaxada leh ee amni sugida.

Ciidamadani Boliiska ah ayaa meelaha fariisimada ay ka dhigteen waxaa ka mid ah xaafada ka mid ah waaxyaha dhagaxtuur iyo 21-October ee magaalada Afgooye, waxaana ciidamada ay ka shaqeyn doonaan gudashada waajibaadka shaqo ee loo igmaday oo ah u qidmeynta dadka shacabka ah si ay u suurta galiyaan xasilinta amniga iyo ka hortagida wax kasta oo ammaanka lidi ku ah.

Taliyaha Saldhiga degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha hoose Dhame Amiin Maxamed Cusmaan oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa ku micneeyay fariisimaha cusub oo ay ciidamada ka dhigteen meelaha cusub ee magaaladaasi in ay qeyb ka tahay sugida amniga iyo ka hortagida wax kasta oo lidi ku noqonaya ammaanka.

Taliyaha Saldhiga Boliiska Degmada Afgooye oo sii hadlay ayaa sheegay in mar walbo ay diyaar u yihiin u qidmeynta dadka shacabka ah, wuxuuna ka codsaday bulshada ku dhaqan magaalada Afgooye in ay la shaqeeyaan ciidamada islamarkaana marka ay arkaan wax lidi ah ammaanka in ay la soo socodsiiyaan ciidamada si looga hortago.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip