Gudoomiyaha Baarlamaanka Jawaari oo ugu baaqay Xukuumadda inay dib u soo celiso furaha Taleefanka Soomaaliya ee 252

0
Tuesday May 12, 2015 - 19:09:29 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1340
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gudoomiyaha Baarlamaanka Jawaari oo ugu baaqay Xukuumadda inay dib u soo celiso furaha Taleefanka Soomaaliya ee 252

    Guddoomiyaha Baarlamaanka Sooamaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo ka hadlay kulan-howleed uu la yeeshay Wasiirka boostada iyo Isgaarsiinta ayaa Xukuumadda Soomaaliya ka dalbaday inay gacanta dowlada dib ugu soo celiyaan furaha Tafeefoonnada Soom

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha Baarlamaanka Sooamaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo ka hadlay kulan-howleed uu la yeeshay Wasiirka boostada iyo Isgaarsiinta ayaa Xukuumadda Soomaaliya ka dalbaday inay gacanta dowlada dib ugu soo celiyaan furaha Tafeefoonnada Soomaaliya ee 252, oo ah hanti qaranka Soomaaliyeed leeyahay.

"Arrimaha kale aan hoosta ka xariqaayo oo inbadan isoo gaaray waxaa weeyaa,n nabarka Soomaaliya loo yaqaano 252 wa inuu gacantena kusoo noqoto, ha noqoto 2 bil, ha noqoto shan bil, waa in hadda la bilaabaa, howshiisa hadii ay socoto in la sii dadajiyo. 252 suuqa waregaayay iyo caalamka uu waregaayay ma ogalin, taa waxaa weyaan iney degdeg u timaado maxaa yeelay dowladanimada ayaa taa ku jirta”ayu

u yiri Guddoomiye Jawaari

Dhanka kale Guddoomiyaha ayaa amaan ballaaran u soo jeeydiyay shirkadaha ganacsiga taleefanada iney shaqo weyn qabteen, islamarkana horumarka dalka qeyb weyn ka qaateen, isagoo ka dalbay iney bixiyaan cashuurta dalka si hormarka iyo dhismaha dalka logu hormariyo.

"Milkiiliyasha shirkada laftigooda waxaan aaminsan ahay iney yihiin dad aqoon leh, muslimiin ah, ku leh xaq qof kasta waa inuu bixiyaa waxa xaqa loogu leeyahay, haddii ay rabaan iney hantidoodu u barakowdo waxa aan ka raadineyno aan leenahay iska bixiya, canshuurtaasi kalmada canshuur Af-Soomaali waa dhaqan-dhowrto, haddi la bixiyo dhaqan dhowrtadaasi la bixiyo xoolahooda xalaal iyo barako ayuu u yelanayaa”ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Ugu dambeyntii Guddoomiyaha Baarlamaanka federaalka Soomaaliya mudane Maxmad Sheekh Cismaan Jawaari ayaa soo u soo jeeydiyay golaha fulinta ee xukuumada Soomaaliya in ay wacyi gilin joogta ah u sameeyaan milkiilayasha shirkadda si ay canshuurta u bixiyaan.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip