Madaxii Amniyaadka Al-shabaab ee Degaanka Toora-Toorow oo lagu dilay Duqeyn

0
Monday September 05, 2016 - 11:09:15 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 2264
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxii Amniyaadka Al-shabaab ee Degaanka Toora-Toorow oo lagu dilay Duqeyn

    Wararka aan ka heleyno Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in diyaaradaha aan Cidna Wadin ay duqeeyeen Saldhigyo Maleyshiyada Al-Shabaab ku leeyihiin deegaanka Toora-Toorow.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka aan ka heleyno Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in diyaaradaha aan Cidna Wadin ay duqeeyeen Saldhigyo Maleyshiyada Al-Shabaab ku leeyihiin deegaanka Toora-Toorow.

Sida ay sheegayaan Dadka Degaanka ah diyaaradahan ay qasaaro iskugu jira Dhimasho iyo dhaawac u geesteen Horjogayaal sare oo ka Tirsan UGUS

 

Saldhigyada ay  Duqeynta ka dhacday ayaa Al-shabaab u eheed Goob ay Dadka degaanka ugu qadaan Lacago Baad ah waxaana Duqeynta Daba Socday Howlgal Xaga Lugta ah oo ay Fulinayeen Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya oo Halkaasi ku dilay Horjoogihii Amniyaadka Maleyshiyada Kooxda Al-shabaab u qaabil sanaa Degaanka Toora-Toorow ee Gobolka Shabellaha Hoose

 

Dadka Degaanka oo la hadlay Idaacada Ciidamada qalabka sida ayaa sidoo kale Sheegaya in Saakay Saldhigii ay Duqeynta ka dhacday ay ku arkeen Bur bur Xoogan islamarkaana uu qasaaraha Al-shabaab duqeynta lagu gaarsiiye uu intaasi ka badan karo Maadama ay sheegey in Xiligaasi ay Kooxda ku shirayeen Halkaasi.

 

Saraakiil ka tirsan Kumaandooska oo la hadlay Idaacada Ciidamada ayaa inoo sheegay in Howlgalka lagu dilay Horjogayaal Ajanib ah oo Xilkaasi ku sugnaa Gudaha Saldhiga.

 

Dhowr jeer oo hore ayaa waxaa howl gallo iyo duqeymo si wada jir u fuliyeen Kumaandooska Soomaaliya iyo Ciidamo Mareykan ah waxaa ay ka dhaceen deegaano ka tirsan Shabeellaha Hoose.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip