Madaxweynaha J.FSoomaaliya oo kulan La qaatey qaar ka mid ah xildhibaannada haweenka ee Barlamaanka Federaalka.

0
Saturday September 03, 2016 - 18:27:22 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 878
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha J.FSoomaaliya oo kulan La qaatey qaar ka mid ah xildhibaannada haweenka ee Barlamaanka Federaalka.

    Madaxweynaha J. Soomaaliya Ahna Taliyaha Guug ee ciidamada qalabka sida iyo guddoomiyaha Barlamaanka Soomaaliya ayaa kulan xarunta madaxtooyada kula qaatey qaar ka mid ah xildhibaannada haweenka ee Barlamaanka Federaalka ah, kaas oo ah wadatashi loog

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha J. Soomaaliya Ahna Taliyaha Guug ee ciidamada qalabka sida iyo guddoomiyaha Barlamaanka Soomaaliya ayaa kulan xarunta madaxtooyada kula qaatey qaar ka mid ah xildhibaannada haweenka ee Barlamaanka Federaalka ah, kaas oo ah wadatashi looga arrinsanayey sidii loo dhaqangelin lahaa Qoondada haweenku ay ku leeyihiin goleyaasha Qaranka.

kulankaan oo ah mid wadatashi ah oo u dhaxeeyey Madaxweynaha  Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh, Guddoomiyaha Barlmaanka Soomaaliya iyo xildhibaannada haweenka ee ku jira Barlamaanka Soomaaliya, waxaana ay ka tashanayeen sidii loo sii wadi  lahaa olollaha ku aaddan sugidda Qoonada 30% ee Haweenku leeyihiin, laguma go'aamiyey shirkii madasha ee 9-kii Aug.

Madaxweynaha J. Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ku ammaanay haweenka sida ay mar walba ugu taagan yihiin dhismaha dowladnimada, isagoo xusay in lagama maarmaan ay tahay sidii wadidda ololalaha ku aaddan sugidda Qoondada lagu ballamay,.

Madaxweynaha ayaa ugu baaqay Beelaha Soomaaliyeed in ay fuliyaan go'aankii madasha ka soo baxay, waxa uuna u rajeeyey haweenku in ay si midnimo leh u heli doonaan Qoondada goleyaasha ay ku leeyihiin.

Dhinaca kale guddoomiyaha Barlamaanka J. Soomaaliya, Mudane Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaar), ayaa madaxweyne Xasan Sheekh  uga mahadceliyey kulanka uu ku casuumay xildhibaannada haweenka ah ee ka tirsan Barlamaanka Federaalka Soomaaliya , isagoo haweenka Soomaaliyeed ugu baaqay  in ay u midoobaan sidii ay u heli lahaayeen qoondadooda, isla markaana beelaha Soomaaliyeed looga baahan yahay gartaan muhiimadda haweenku u leeyihiin Qarannimada.

dowladda madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu hoggaamiyo, ayaa wadda dedaal xooggan oo ku aaddan sidii looga dhabbeyn lahaa fulinta  iyo dhaqangalka in la siiyo Haweenka 30%, si ay uga qeyb-qaataan siyaasadda lagu hoggaaminayo dalka.

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip