Amisom oo dalbatay in laga gacan siiyo qaraxyada

0
Saturday September 03, 2016 - 18:25:38 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 916
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Amisom oo dalbatay in laga gacan siiyo qaraxyada

    Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya AMISOM ayaa beesha caalamka ka dalbadey in laga taageero sidii ay uga hortegi lahayeen miinooyinka qaraxyada loo isticmaalo ee loo yaqaan (IEDs) gudaha dalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya AMISOM ayaa beesha caalamka ka dalbadey in laga taageero sidii ay uga hortegi lahayeen miinooyinka qaraxyada loo isticmaalo ee loo yaqaan (IEDs) gudaha dalka Soomaaliya.

Taliye kuxigeenka ciidanka AMISOM Nakibus Lakara ayaa sheegay in qaraxyada ay sababaan minooyinka la dhiso ay yihiin kuwo khatar badan, waxaana ay u baahan yihiin baritaano in lagu sameeyo iyo tababaro la siiyo ciidamada baaraya, iyo in loo baahan yahay qalab casri ah oo looga hortago miinooyinkaasi.



– Bomka iyo Miinooyinka dhulka lagu aaso waxay caqab ku noqdeen hawlgalada ciidamada AMISOM, kuwaas oo awoodoodu xadidadan tahay, kumana filna in ay ka adkaadaan Miinada dhulka lagu aaso ayuu yiri.


AMISOM ayaa si rasmi ah u dalabatey in beesha caalamku ku taageerto khubaro iyo qalab casri ah oo looga hortago qaraxyada miinooyinka, kuwaas oo noqdey hubka ugu weyn ee al-Shabaab ay hadda kula dagaalamayaan.


Lakara ayaa sheegay in al-Shabaab ay hadda bilaabeen in ay dhisaan Bom aad u culus kuwaas oo gaaraya 80kg.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip