faallo Imisa Afgembi ayaa ka dhacday Turkiga 50-kii Sanno ee la soo dhaafay?
Dalka Turkiga ayaa waxaa soo maray dhowr afgambi 50kii sanno ee la soo dhaafay, kii ugu horreeyay waxa uu dhacay 27 bishii May,1960, markaas oo uu dhacay afgambi milatari oo lagu riday xukuumaddii dimuqraadiga ahayd ee la doortay iyo Madaxweynihii dalka xukumayay.
38 sarkaal oo uu hoggaaminayay janaral ”
Jamal Gorsel” ayaa xukunka qabsaday, waxayna ku khasbeen xilligaas 235 Janaral
iyo 5000 oo sarkaal oo uu ka mid ahaa taliyihii ciidanka iney shaqada ka
fariistaan, sidaas oo kale waxay shaqadii ka joojiyeen xisbigii dimuqraadiga
ahaa ee dalka xukumayay, waxayna xireer ra’iisul wasaare "Adnan Menders” iyo
madaxweynahii dalka Turkiga xilligaas ee ” Celal Bayar”, iyagoo u diray xabsi
ku yaallay jasiiradda "Aasaa Ada”.
Afgamigaa ka dib waxaa dalka Turkiga ka
dhacay 3 afgambi oo kale oo ay sameeyeen ciidamada dalkaas, kaas oo dhibaato u
geystay noloshii siyaasadeed iyo dhaqaalihii waddanka, gaarsiiyayna khasaare
aan laga soo kabsan Karin, horena aan loo arag, khilaafaadkii gudaha Turkiga ka
jirana waxay sababeen cadaalad darro iyo dulmi.
Inqilaabka milatari ee 1960 waxaa xukun dil
ah lagu riday ra’iisul wasaare ‘Manderes” iyo wasiirkiisii arrimaha dibadda ‘Fatin
Zorlu Rushdie’, iyo wasiirkii maaliyadda ‘Hassan Blattqan’, waxaana xukunka
lagu fuliyay bartamihii September 1960.
11 sano kadib ayaa waxaa dhacay inqilaab
labaad 12 Marso 1971, waxaana loo yaqaanaa afgambigii Degreetada, iyadoo
ciidanku ay soo saareen warqad ay ku casilayaan xukuumaddii xilligaas.
Waxaa kale oo dhacay afgambi la magac baxay
"Kanaan Efrain”, 12 September 1980, kaas oo ay ka dhalatay xaalad adag oo
siyaasadeed horena aan u dhicin, waana mid ka mid ah afgambiyada ugu caansan
taariikhda Turkiga, marka laga eego dhibaatada ka dhalatay iyo dhiigga ku
daatay oo aad uga darnaa kuwii ka horreeyay, kadib dastuurkii aftida dadweyne
lagu meel mariyay 1982 ayaa "Efen” noqday si rasmi ah madaxweynihii todobaad ee
dalka Turkiga, isagoo xukunka hayay illaa November 1989-kii.
Efern ayaa xabsi daa’im lagu xukumay 2014
iyadoo lala xukumay hoggaankii ciidamada cirka Tukiga janaraal”Tahsin
SahinKaya”, kaalintoodii ay ku lahaayeen darteed afgambigii 1980kii, iyagoo
lagu soo eedeeyay iney afgambiyeen nidaam dastuuri ah.
Sanadkii 1997kii waxaa
dhacay afgambi aan dhiig ku daadan oo lagu sameeyay xukuumaddii "Necmettin
Erbakan”, kadib markii xisbiga Refah uu qabsaday xukunka Turkiga sanadkii 1995,
waxa uu ahaa Erbakan shakhsi hadal cad oo islaami ah, taas oo ka careysiisay
axsaabtii cilmaaniga ahaa oo ku dhiiriyay ciidanku iney xukunka kala wareegaan
dowladda islaamiyiinta ee la doortay.
Ciidanka ayaa digreeto ay soo saareen 28
Febraayo 1997 ka dib markii ay kulmeen guddiga amniga qaranka oo markaa
ahaa saraakiisha sarsare ee ciidanka iyadoo taasi ay soo dedejisay in la casilo
ra’iisul wasaare Erbakan. Waxaa la sheegaa in afgambigaa ay ka dambeeyeen koox
wax ku baratay dalalka reer galbeedka oo koox sir ah oo ka dhisnaa gudaha
ciidanka Turkiga.
Afgambigan ayaa waxaa ka dambeeyay Janaralada
kala ah Ismail Hakki Karzai, Cevik Bir, Teoman Koman iyo Cetin Dogan, Necdet
Timor iyo Bishooda Oozkasnak.
Afgambigaa 5 sano ka dib ayaa waxaa la
aasaasay xisbiga cadaaladda iyo horumarka oo looga soo horjeeday afgambigii
Ra’iisul wasaare Erbakan, iyadoo xisbiga cusub ee cadaaladda iyo horumarka uu
gaaray guulo waaweyn doorashooyinkii Turkiga ee 2002.
waxaa dalka Turkiga ka dhacay haatan Afgambigii
ugu dambeeyay ee fashilmay kaa soo ay isku dayeen saraakiil sarsare oo ka tirsan
ciidanka milatariga Turkiga oo ay hoggaaminayeen Janaraallo.
faallo Imisa Afgembi ayaa ka dhacday Turkiga 50-kii Sanno ee la soo dhaafay?
Turkiga ayaa waxaa soo maray taariikhdan casriga ah afgambiyo milatari oo ay hormuud ka yihiin ciidanka milatariga dalkaas, kuwaas oo sababay dib u dhac dhaqaale iyo mid bulsheed intaba,