Masuulyiin ka Tirsan Dowlada iyo Xubno ka Socda Beesha Caalamka oo ku qul qulaya Magaalada Jowhar

0
Saturday September 03, 2016 - 13:20:41 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1803
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Masuulyiin ka Tirsan Dowlada iyo Xubno ka Socda Beesha Caalamka oo ku qul qulaya Magaalada Jowhar

    Waxaa maanta lagu wadaa in magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha Dhexe uu ka furmo shirka maamulka loogu sameynaayo gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa maanta lagu wadaa in magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha Dhexe uu ka furmo shirka maamulka loogu sameynaayo gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Ammaanka Guud ee Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa Maanta si weyn loo adkeeyay,iyadoo Wadooyinka Magaalada la dhigay Ciidamo aad u badan oo isku jira Boolis,Nabad Sugid iyo kuwa Xoogga Dalka Soomaaliya oo sugaya Amniga

Guddoomiye ku xigeenka Dhinaca Amniga Gobolka Shabellaha Dhaxe Axmed meyre Makaraan oo la hadlay Idaacada Ciidamada qalabka sida ayaa sheegay in Amniga Magaalada Si weyn loo adkeeyay Maadama Maanta uu Halkaasi ka furmayo shirka Maamul u sameynta Gobolada Hiraan iyo shabellaha dhaxe

Magaalada Jowhar ayaa sidoo kale maanta waxaa tagaya Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka iyo Urur Goboleedka IGAD,kuwaas oo ka qeyb galaya Furitaanka Shirka.

Dhawaan dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay in shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe uu maalinta Sabtiga ah uu ka furmaayo magaalada Jowhar.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Bishii Janaayo ee Sanadkaan Jowhar ka furay Shirka Maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe

 

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip