Madaxweyne Xasan Sheikh oo sheegay in ee dhaceyso doorashada Xiligeeda''''Dhageyso'''

0
Saturday September 03, 2016 - 10:58:07 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 881
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Xasan Sheikh oo sheegay in ee dhaceyso doorashada Xiligeeda''''Dhageyso'''

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqey inay si buuxda isugu diyaariyaan, kana qeyb qaataan doorashooyinka la filayo inay dhowaan dalka ka dhacaan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqey inay si buuxda isugu diyaariyaan, kana qeyb qaataan doorashooyinka la filayo inay dhowaan dalka ka dhacaan.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada ay ka go’an tahay in doorashada labada aqal (Aqalka Sare iyo Aqalka Hoose) iyo tan Madaxweynaha ku dhacdo waqtigii loogu talagaley, sida ku cad soo jeedinta Guddiga Federaalka ee Hirgelinta Doorashada Dadban, laguna ayidey Baaqii Madasha Hoggaamiyeyaasha DFS iyo dowlad goboleedyada ee 9 Agoosto 2016.

Waxaa uu Madaxweynaha si gaar ah u xusay muhimadda ay leedahay in fursaddan taariikhiga ah laga faa’ideysto.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale xusay in si waddanka uu u xajisto guulaha uu gaarey ay lagama maarmaan tahay in muhimad la siiyo maslaxadda iyo danta qaranka, lagana dhowrsanaado eex, goboleysi iyo nin jecleysi.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhanka kale beesha caalamka ugu baaqey inay doorkooda ka cayaaraan xaqiijinta in doorashada 2016-ka ee Soomaaliya ay noqoto mid si cadaalad iyo kalsooni ku dhacda.

doorashooyinka, ayna soo dedejiyaan taageerada dhanka maalgelinta iyagoo tixgelin siinaya jadwalka doorashooyinka’’.

Waxaa uu ugu dambeyn Madaxweynaha ugu baaqey Qaramada Midoobay inay doorkeeda caalamiga ah ee kaga beegan fulinta hawlaha doorashooyinka iyo taakuleynta looga baahan yahay ka qaadato doorashooyinkan, iyo inay guddiyada iyo shacabka Soomaaliyeed kala shaqeyso sidii ay doorashooyinka u najixi lahaayeen, una noqon lahaayeen kuwo daah furan oo ku saleysan cadaalad iyo saami qeybsi loo dhan yahay.

Dhanka kale:- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ummadda Soomaaliyeed ugu baaqey inay ka wada shaqeeyaan nabadgelyada guud ee dalka, gaar ahaan waqtigan xasaasiga ah ee doorashada.

Madaxweynaha ayaa ugu baaqey laamaha amniga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Dowlad Goboleedyada iyo AMISOM inay si buuxda u dardar-geliyaan fulinta hawlahii lagu dhammeystiri lahaa guud ahaan sugidda nabadgelyada dalka, gaar ahaan amniga codbixiyeyaasha, musharixiinta, maamuleyaasha iyo kormeerayaasha doorashooyinka ee ku sugan goobaha doorashooyinka.

Madaxweynaha ayaa ugu dambeyn ugu baaqey qeybaha bulshada rayidka, warfaafinta, culumada iyo aqoonyahanada inay shacabka iyo dowladda kala qeyb qaataan sidii loo sugi lahaa amniga goobaha doorashooyinka.

—————-DHAMMAAD——————

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip