Horjooge iyo Maleyshiyaad ka Tirsan Daacish oo lagu Qabtay Gobolka Baay ''Sawirro'''

0
Friday September 02, 2016 - 13:22:16 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1111
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Horjooge iyo Maleyshiyaad ka Tirsan Daacish oo lagu Qabtay Gobolka Baay ''Sawirro'''

    Taliska Ciidanka Nabadsugidda Gobalka Baay ayaa magaalada Baydhabo ku soo bandhigay Afar ruux oo ay ku sheegeen in ay ka tirsanyihiin Kooxda Daacish ee ka dagaalanta Buuraha Galgala ee gobalka Bari u qaabilsanaa Gobalka Baay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliska Ciidanka Nabadsugidda Gobalka Baay ayaa magaalada Baydhabo ku soo bandhigay Afar ruux oo ay ku sheegeen in ay ka tirsanyihiin Kooxda Daacish ee ka dagaalanta Buuraha Galgala ee gobalka Bari u qaabilsanaa Gobalka Baay.

Maleeshiyaadka la qabqabtay ee uu soo bandhigay Taliska nabadsugidda Koofur Galbeed ayaa lagu kala magacaabaa Cali Maxamed Gaaboow Wakiilka Kooxda Daacish ee Gobalka Baay, Mahad Nuux Siidoow, Sameyta iyo diyaarinta Qaraxyada Macmalka, C.casiis Xasan Mursal Jabhadaha, iyo Maxamed Sh Isaaq oo Bambo tuurka qarxinta miinooyinka qaabilsan.

Cali Maxamed Gaaboow oo sheegtay in uu wakiil u ahaa Kooxda Daacish ayaa SONNA u sheegay in Afar Sano uu al-shabaab ka tirsanaa una qaabilsanaa dhinaca dagaal galinta kana Shaqeynjiray Ceelasha illaa iyo Marko, Balse mar dambe uu is fahmi waa soo kala dhexgalay kadibna uu ku biiray Kooxda Daacish.

"Amiir Xasiira ayaa Al-shabaab la iiga dhex yaqaanay, shir ayaan Ceelasha biyaha ku qaadanay aniga waxaa la ii xilsaaray wixii markaas ka dambeysay Amiirka Daacish ee gobalka Baay kadib markii aan isfahmi weynayā€¯.

Saraakiisha Ammaanka Koofur Galbeed ayaa SONNA u sheegay in Shabakaddaan la qabtay Afar Maalin ka hor, islamarkaana si qarsoodi ah uga dhex shaqeysanayay Magaalada Baydhabo, markii xogtooda laga war helayna ay ciidamada Ammaanku gacanta ku dhigeen.

Qaar kamid ah Maleeshiyaadka la qabtay ayaa sheegay in ku biiritaanka kooda al-shabaab ay ku tashkiiliyeen kooxo ku sugan deegaanada gobalka bari kuwaas oo ay xuseen in taleefoon ay kusoo waceen.

Dowladda Mareykanka ayaa Isbuucaan Horraantiisii liiska Argagixisada ku dartay Horjoogaha Kooxda Daacish Cabdulqaadir Muumin, kaas oo sheegtay in uu yahay Hoggaamiyaha Daacishta Soomaaliya.

vlcsnap-2016-09-02-11h07m41s44vlcsnap-2016-09-02-11h08m08s198vlcsnap-2016-09-02-11h09m04s117vlcsnap-2016-09-02-11h09m24s29





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip