Buuga Tacsida S/Guud Maxamed Cali Samatar oo laga Furay Wadan Uganda

0
Thursday September 01, 2016 - 14:37:38 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 2238
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Buuga Tacsida S/Guud Maxamed Cali Samatar oo laga Furay Wadan Uganda

    Buugga tacsida Ex-Sarreeye guud;Maxamed Cali Samatar, ayaa maanta laga furay magaalada Kampala ee Caasimadda dalka Yugaandha.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Buugga tacsida Ex-Sarreeye guud;Maxamed Cali Samatar, ayaa maanta laga furay magaalada Kampala ee Caasimadda dalka Yugaandha.

Xoghayeyaasha koowaad iyo labaad ee Safaaradda Soomaaliya u jooga dalka Uganda Cali Isaaq Ibraahim iyo Cali Qadar oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in saxiixa buugga tacsida ay ka soo qeyb galeen danjireyaal dhowr ah.

Xildhibaanno hore oo ka tirsanaa baarlamannadii soo maray Soomaaliya,Ganacsato iyo qaar ka mida Safiirrada caalamka u fadhiya Yugaandha oo ka qayb galay saxiixa Buugga Tacsida,ayaa waxay muujiyeen sida ay ugu damqadeen geerida ku timi madaxweyne ku xigeenkii hore ee dalka,waxayna Alle ugu baryeen Jannatul Firdowsa.

25-kii Augost ayaa madaxweyne ku xigeenkii hore ee Soomaaliya, marxuum Maxamed Cali Samatar aas qaran loogu sameeyay magaalada Muqdisho, isagoo 20-kii bisha 8aad ku geeriyooday gobolka Virginia ee dalka Mareykanka oo uu muddo ku noolaa.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip