Mareykanka oo liiska Argagixisada ku Daray Cabdulqaadir Muumin

0
Thursday September 01, 2016 - 08:51:21 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 2567
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mareykanka oo liiska Argagixisada ku Daray Cabdulqaadir Muumin

    Waaxda arrimaha dibedda Dowlada Mareykanka ayaa Cabdulqaadir Muumin ku dartay liiska argagixisada sida gaarka ah loo callaamadeeyey.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waaxda arrimaha dibedda Dowlada Mareykanka ayaa Cabdulqaadir Muumin ku dartay liiska argagixisada sida gaarka ah loo callaamadeeyey.

Amarka Madaxweyne ee tirsigiisu yahay 13224, kaasi oo cunaqabateyn kusoo roga shaqsiyaadka iyo kooxaha la go’aamiyey inay halis ku yihiin Gudaha Wadanka Mareykanka iyo Caalamka

Cabdulqaadir Muumin ayaa madax ka ah koox ku xiran Daacish oo islamarkaana Xiriir la leh Argagixisada

Cabdulqaadir Muumin oo horey shaqsiyaadka argagixisada ugu qori jiray isla markaana u ahaa afhayeenka Maleyshiyada Kooxda Al-Shabaab ayaa isaga iyo 25 Maleyshiyaad  oo kale waxay bishii October ee 2015 ku biireen Daacish, ayaga oo saldhig ka sameystay meelo ka mid ah Degaanada Maamulka Puntland.

Wixii markaa ka dambeeyey, ayaa sida ay sheegtay waaxda arrimaha dibedda Mareykanka, Cabdulqaadir Muumin waxa uu ballaariyey unugyadiisa  argagixiso isaga oo afduubay wiilal da’yar oo 10 illaa 15 sano jiro ah, kuna qasbay inay Argagixisa noqdaan.

Waxa uu sidoo kale Caruurtaasi u isticmaali jiray Weerada ka dhaca Soomaaliya iyo Wadamada Geeska Africa Qaar ka mid ah Dhalinyarad uu Afduubtay ayuu ku amray in ay is qarxiyaan

Go’aanka cusub ee Mareykanka kasoo baxay ayaa waxa uu farayaa dhammaan shaqsiyaadka iyo hay’adaha Mareykanka inaysan wax xiriir ah la sameyn karin Cabdulqaadir Muumin.

Go’aanka maanta kasoo baxay Mareykanka ayaa sidoo kale ogeysiinaya dadweynaha Mareykanka iyo beesha caalamka in Cabdulqaadir Muumin uu si firfircoon ugu lug lee yahay ficillo argagixiso.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip