Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya oo Tababar usoo Xeray Cutubyo ka Tirsan Kumaandooska Soomaaliya

0
Sunday August 28, 2016 - 13:50:44 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 855
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya oo Tababar usoo Xeray Cutubyo ka Tirsan Kumaandooska Soomaaliya

    Munaasabad Balaaran oo tababarka loogu soo xirayey cutubyo katirsan ciidamada Kumaandooska Soomaaliya ayaa lagu qabtay Dugsiga Tababarka Gen Dhaga Badan waxaa ka qeyb galay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka S/Gaas Maxamed Aadan Axmed oo ay Wehliyeen S

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Munaasabad Balaaran oo tababarka loogu soo xirayey cutubyo katirsan ciidamada Kumaandooska Soomaaliya ayaa lagu qabtay Dugsiga Tababarka Gen Dhaga Badan waxaa ka qeyb galay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka S/Gaas Maxamed Aadan Axmed oo ay Wehliyeen Saraakiil ka Tirsan Ciidanka Xoogga Dalka,Saraakiil ka Tirsan Dowladaha Soomaaliya ka Caawiya Tababarista Ciidamada qalabka Soomaaliya.

Cutubyo ka Tirsan Ciidamada Danab ayaa Goobta kusoo Bandhigay Dhoola Tus Malatari iyo Gaada ka Ciyaal.

Genraal C/laahi Cali ‘’Caanood ‘’’Taliyaha Dugsiga Tababarka Genraal Dhaga Badan ayaa sheegay in Mudadii Tababarka u socday Ciidamadaani si wanaagsan ay u qaateen Tababarka isla Markaana ay ka soo Baxeen Tababarka

"Taliye Dugsiga Tababarka S/Gaas C/kariin Yusuf Dhaga Badan waxaa ku jira Cutubyo Badan oo ka tirsan Ciidanka Kumaandooska Soomaaliya waxa ay halkaan ku qaataan Tababar oo ka mid tahay Dhoolatuskii aad Maanta arkeysay Maantane oo aad inoogu timid Munaasabadaani qaaliga ah aad ayaan ugu Farax sanahay In aad inoo soo Xerto Munaasabadaan Tababarka,"

Taliyaha ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed S/Gaas Maxamed Aadan Axmed oo Munaasabada Ka hadlay ayaa sheegay in Ciidankaan Maanta u dhamaaday Tababarka uu ka gidisan yahay Tababarada kale ee qaataan Ciidamada Maadama ee yihiin Ciidamada Gaar ah oo fuliya Howlgalo qorsheysan ku bartilmaameysada Cadowga Al-shabaab Isagoona kula Dar Daarmay in ee ka qeyb qaatan Howlgalada lagula Dagaalamayo Cadowga Al-shabaab

 "Waxaan Aad ugu Farax sanahay in aan idinka soo qeyb galo Munaasabada Tababarka idin dhamaaday waan idinku Hamabalyeenaa waxaan idinkula Dar Daarmayaa in aad ka qeyb qadataan Howlgalada Dalka looga saarayo Cadowga Al-shabaab waxaa jirta Ciidamo idinka horeeyay in eek u guuleesteen in ee qaarijiyaan Maleyshiyaad ka Tirsan Cadowga Al-shabaab loogana Baahan yahay in si wadajir ah looga qeyb qaato Dagaalka Al-shabaab,"

Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya oo kamid ah xooga dalka ayaa horey ugu guuleystay In Howlgalo qorsheysan ay ka fuliyeen Gobolada Dalka islamarkaana lagu Dilay Horjogayaal iyo Maleyshiyaad ka Tirsan Cadowga Al-Shabaab 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip