Dowladda Talyaaniga oo Qalab Ciidan ku Wareejisay Taliska Ciidanka Asluubta (Sawirro)

0
Saturday August 27, 2016 - 15:34:37 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1074
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Talyaaniga oo Qalab Ciidan ku Wareejisay Taliska Ciidanka Asluubta (Sawirro)

    Dowladda Talyaaniga ayaa Qalab Ciidan oo isugu jiray kabo,katiinada Maxaabiista lagu xiro ,Dhar ,koofiyado iyo Gaashaanka looga hortago Dibadbaxyada rabshadaha wato waxa ay ku wareejisay Taliska ciidanka Asluubta waxaana ka Gudoomay Deeqdan Taliye

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Talyaaniga ayaa Qalab Ciidan oo isugu jiray kabo,katiinada Maxaabiista lagu xiro ,Dhar ,koofiyado iyo Gaashaanka looga hortago Dibadbaxyada rabshadaha wato waxa ay ku wareejisay Taliska ciidanka Asluubta waxaana ka Gudoomay Deeqdan Taliye ku xiggeenka Koowaad ee Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed S/guuto Cabdi Kaiim Cali Afrax oo ay wehliyeen Saraakiil ciidanka Asluubta ka tirsan.

Gen Cabdi Kariim Cali Afrax Taliye ku xiggeenka Koowaad ee ciidanka Asluubta  oo Warbaahinta la hadlay ayaa Dowladda Talyaaniga uga mahadceliyey Taageerada ay siinayaan ciidanka Asluubta isagoo tilmaamay in Qalabkan Maanta lagu Wareejiyey ciidanka ay u Baahnaayeen islamarkaana uu ka haqabtiri doono dhinacyo badan.



Korneel Bernardo Mencraglia  oo ah Madaxa hay’adda Gargaarka Talyaaniga ee Howlgalka Midowga Yurub ee Soomaaliya  ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan Taageerada ay siinayaan ciidanka Asluubta Somaaliyeed  waxaana uu xusay in ay ka go’an tahay ka qeyb qaadashada Dhismaha Ciidamada dalka Soomaaliya.


Dowladda Talyaaniga ayaa waxa ay ka mid tahay Wadamada sida gaarka ah u caawiyo Soomaaliya waxaana ay inta badan ka qeyb qaadataa Taakuleynta Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed iyo dhismahooda.

 

Halkaan Hoose ka eeg sawirada .


IMG_20160827_082509

IMG_20160827_082509_1

IMG_20160827_083323

IMG_20160827_083323_1

IMG_20160827_083339_1

IMG_20160827_084244

IMG_20160827_084628

IMG_20160827_084637

IMG_20160827_084637_1

IMG_20160827_084741_1

IMG_20160827_084933_1

IMG_20160827_084940_1

IMG_20160827_085346_1


---Dhammaad---

C/raxmaan Maxamed Ibraahim (Gacan)

Madaxa Xafiiska Warfaafinta Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed

Muqdisho-Soomaaliya.

 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip