Xeer ilaaliyaha Qaranka iyo Taliyaha Asluubta oo Booqday Xabsi cusub oo Muqdisho laga dhisayo "Sawirro"

0
Friday August 26, 2016 - 10:12:25 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 911
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xeer ilaaliyaha Qaranka iyo Taliyaha Asluubta oo Booqday Xabsi cusub oo Muqdisho laga dhisayo "Sawirro"

    Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr Axmed Cali Daahir iyo Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed S/gaas Bashiir Maxmed Jaamac oo uu Wehliyo ku xigeenkiisa koowaad S/guuto C/kariim Cali Afrax ayaa Maanta waxa ay kormeereen halka uu marayo Dhismaha Xab

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr Axmed Cali Daahir iyo Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed S/gaas Bashiir Maxmed Jaamac oo uu Wehliyo ku xigeenkiisa koowaad S/guuto C/kariim Cali Afrax ayaa Maanta waxa ay kormeereen halka uu marayo Dhismaha Xabsi weyn oo laga dhisayo Xarunta Taliska Guud ee Ciidanka Asluubta KM7 ee Magaalada Muqdisho iyagoo indha indheeyey Masuuliyiintan Qeybaha kala duwan ee uu ka kooban yahay Xabsigaasi .

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed S/gaas Bashiir Maxamed Jaamac ayaa Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr Axmed Cali Daahir waxa uu uga warbixiyey halka uu marayo Dhismaha Xabsigan iyo Howlaha uu qaban doonno waxaana uu sheegay Taliyaha in Bilaha soo socda lasooo gaba gabeyn doonno Dhismahiisa .

Taliyaha ayaa sheegay in Xabsigan gabagabada marayo dhismahiisa hadii la dhameeyo uu wax badan ka badali doonno Ciriiriga ka jira Xabsiga dhexe isagoo xusay in Qorshahooda uu yahay Xabsiyada Dalka oo dhan in laga dhigo goob dhaqan celineed oo wax lagu baro Dadka lagu soo xiro.

Sidoo kale Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr Axmed Cali Daahir ayaa Taliyaha Ciidanka Asluubta Gen Bashiir Goobe ku amaanay Isbadalka la taaban karo ee uu ka sameeyey Xabsiyada Dalka isagoo xusay in Xabsigan Dhismihiisa Gunaanadka marayo uu qeyb ka yahay Horumarada ay sameeyeen Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed .

Xabsigan oo si Caalami ah loo dhisayo ayaa dhismihiisa waxaa iska kaashanaya Taliska Ciidanka Asluubta iyo Hay’ad UN ka leeyahay waxaana uu yeelan doonnaa qeybo kala duwan oo ay ka mid yihiin Goobo loogu talo galay Jiifka ,Waxbarashada ,Garoonno loogu tala galay Ciyaaraha kala duwan iyo Qeybo ay dagaan Garsoorka waana Xabsi ay u dhameystiran yihiin Waxkastaa oo nolosha Aadmiga ay u Baahan tahay.

14088979_755823994521296_1916938311_n

14089426_755823957854633_307760313_n

14089504_755824067854622_1343484770_n

14089603_755823861187976_1577448229_n

14101947_755823784521317_1746307901_n

14101949_755823977854631_166120781_n

14111715_755823927854636_89362911_n

14111954_755823884521307_1035451551_n

14112020_755823764521319_962560271_n

14112082_755823971187965_505115501_n

14112119_755823771187985_1499889258_n

—–Dhammaad——


C/raxmaan Maxamed Gacan
Madaxa Xafiiska Warfaafinta Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed
Mugdisho-Somalia




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip