Aas Qaran Oo Muqdisho loogu Sameeyay Gen Maxamed Cali Samatar''Sawirro

0
Thursday August 25, 2016 - 14:14:10 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1040
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Aas Qaran Oo Muqdisho loogu Sameeyay Gen Maxamed Cali Samatar''Sawirro

    Alle Haunaxariistee Marxuum S/Guud Maxamed Cali Samatar oo ahaa Madaxweyne Ku Xigeenkii Hore ee Soomaaliya, xilal kala dawana ka soo qabtay Dowladdii dhexe ee Soomaaliya Hoggaankana uu u hayay S/Gaas Maxamed Siyaad Barre ayaa maanta Aas Qaran Loogu S

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Alle Haunaxariistee Marxuum S/Guud Maxamed Cali Samatar oo ahaa Madaxweyne Ku Xigeenkii Hore ee Soomaaliya, xilal kala dawana ka soo qabtay Dowladdii dhexe ee Soomaaliya Hoggaankana uu u hayay S/Gaas Maxamed Siyaad Barre ayaa maanta Aas Qaran Loogu Sammeeyay,dhismaha Wasaaradda Gaashaandhiga iyo Taliska Ciidaanka Xoogga Dalka Soomaaliya ee magaalada Muqdisho.

Aaska Marxuumka waxaa ka ka soo qeybgalay Madaxweynaha JFS Ahna Taliyaha Guud Ee Ciidamada Qalabka Sida Mudane Xasan Sh Maxamuud, Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sh Cismaan Jawaari, R/wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid, , Xubnaha labada gole ee dowladda, Taliyayaasha Ciidamada Qalabka Sida Sareeyayaal Saraakiil Ciidan iyo dadweyne Soomaaliyeed Qaar kamid ah Madaxweyneyaasha Dowlad gobaleedyada ka dhisan dalka.

Waxaa laga soo dejiyay Meydka Marxuum S/Guud Maxamed Cali Samatar, waxaa laga soo dajiyay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho Naxashka meydka lagu siday waxaa la huwiyay Calanka Soomaaliya.


Cutubyo ka tirsan ciidanka xoogga dalka ayaa salaan sharaf siiyay Meydka, waxaana la garaacay astaanta qaranka soomaaliya.

Kahor inta aan la aasin Marxuumka ayaa Madaxda iyo Dadweynaha waxa ay Salaad Janaasada kula tukadeen Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga, halkaas oo marxuumka loogu duceeyay ka dibna lagu aasay.

Aaska ka dib waxaa hoolka shirarka Xarunta Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ee Wasaarada Gaashaandhigga ay qudbado kala duwan ka soo jeediyay masuuliyiintii ka qeybgalay aaska waxaana ugu horeyn halkaasi qudbad looga hadlayay Taariikhda Marxuum S/Guud Maxamed Cali Samatar ka soo jeediyay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Gaas Maxamed Aaadan Axmed

Sidoo kale waxaa qudbad qiima badan iyo tacsiba ka jeediyay Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Ahna Taliyaha Guud Ee Ciidamada Qalabka Sida Mudane Xasan Shiikh Maxamuud

Allaha u naxariistee Marxuum S/Guud Maxamed Cali Samatar ayaa dhowaan ku geeriyooday Gobolka Virginia ee dalka Mareykanka 20/08/2016 waxaana meydka marxuumka la keenay dalka 25/08/2016 maaliinnimo khamiis ah waxaana lagu aasay Xarunta Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Ee Wasaarada Gaashaandhiga.

14141699_655810454583482_8688752934719882553_n

1

2

33

44

55

66

14034874_655810191250175_8778231058721206181_n

14067627_655810531250141_4386278487359429066_n

14100512_655809914583536_5246154162079438217_n

14141699_655810454583482_8688752934719882553_n (1)

14141699_655810454583482_8688752934719882553_n

meydka1




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip