Kumaandooska Xoogga Dalka Soomaaliya oo burburiyay Saldhig Al-shabaab ku baadijireen dadka shacabka

0
Sunday July 10, 2016 - 16:00:01 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 972
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kumaandooska Xoogga Dalka Soomaaliya oo burburiyay Saldhig Al-shabaab ku baadijireen dadka shacabka

    Habeenkii xalay iyo subaxnimadii maanta ayaa Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliya waxay hawlgal sifeyn ah ka fuliyeen degaanka Goobaanle ee gobolka Shabeellaha Hoose.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Habeenkii xalay iyo subaxnimadii maanta ayaa Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliya waxay hawlgal sifeyn ah ka fuliyeen degaanka Goobaanle ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Degaanka Goobaanle ayaa saldhig ay isku uruursadaan u ahayd Al Shabaab, hase yeeshee Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo adeegsanaya xeelado sare oo dhanka dagaalka ah ayaa si fudud halkaasi ku galey, isla markaana burburiyey dhaqdhaqaaqyadii halkaasi ay ka wadeen argagixisada, iyagoo aan la kulmin wax iska caabbin ah oo sidaa u weyn.

Goobtaan ayaa argagixisada waxay u adeegsan jireen inay ku kaydsadaan hubka iyo qalabka kale ee dagaalka ee ay u adeegsadaan weerarada argagixiso ee ka dhanka ah shacabka aan waxba galabsan ee gobolka ku nool.

Jabkani ayaa waxaa uu ka dhigan yahay guul u soo hoyatey shacabka degaanka Goobaanle iyo guud ahaan gobolka Shabeellaha Hoose.

Kooxda argagixisada Al Shabaab ayaa sidoo kale waxaa dhowaanahan guuldarooyin waaweyn loogu geystey goobo ka baxsan gobolka Shabeellaha Hoose, sida gobolka Jubbada Hoose iyo goobo kale.

Ciidammada Soomaaliyeed ee sida gaarka ah u tababaran ee hoos yimaada Ciidanka Qalabka Sida, ayaa hawshooda ay tahay inay meel kasta oo Soomaaliya ka tirsan ay kula dagaalamaan argagixisada Al Shabaab.

Guulahan ayaa muujinaya in ciidanka Soomaaliya ay awood u leeyihiin inay argagixisada Al Shabaab ka suuliyaan Soomaaliya oo dhan.



 


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip