Ciidamada Booliska Gobolka Banaadir oo hub kasoo saaray Masjid ku yaala Degmada Yaaqshid ee Gobolka Banaadir

0
Friday July 08, 2016 - 14:50:30 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1053
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada Booliska Gobolka Banaadir oo hub kasoo saaray Masjid ku yaala Degmada Yaaqshid ee Gobolka Banaadir

    -Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa Howlgal ay maanta ka sameeyeen Masjid ku yaala degmada Yaaqshiid ee Magaalada Muqdisho ku soo qabtay Huba lagu dhex qariyay Masjidka iyo labo qof oo arriintaasi ku lug yeeshay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

-Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa Howlgal ay maanta ka sameeyeen Masjid ku yaala degmada Yaaqshiid ee Magaalada Muqdisho ku soo qabtay Huba lagu dhex qariyay Masjidka iyo labo qof oo arriintaasi ku lug yeeshay.

Taliyaha Ciidanka Booliska Saldhigga Degmada Yaaqshiid Gaashanle Dhexe Maxamed Yuusuf Nuur, ayaa sheegay in hubka lagu dhex qariyay Minaaradda Masjidka, ayna ku soo wargaliyeen Booliska dadweynaha ku nool Xaafadda.

"Bulshada ayaa Xog ka helnay, waxaan baarnay Masjidka, markii aan furnay qeybta Minaaradda ee masjidka ayaan ku haragnay Hub, waxana soo xirnay labo qof oo arrintaan loo heysto”ayuu Yiri Taliyahay Saldhigga.

Taliyaha Qeybta Guud ee Booliska Gobalka Banaadir Gashale Sare Bishaar Abshir Geeddi, ayaa sheegay in Hubkaasi uu ahaa mid qeyb ka ah Dilalka iyo amni darada ka dhacda magaalada Muqdisho.

"Baaristu wali wey socotaa, hubkaani waa kan dadka muqdisho lagu laayo dadka Soomaaliyeed qeybna ka ah dilalka qorsheysan iyo amni darada Magaalada, ciidamada Booliskuna wuxuu u taaganyahay 24 saac in ay qatarta Argagixisada ka difaacaan shacabkooda”

Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa xoojiyay Howlgalka lagu sugayo amaanka magaalada Muqdisho, si looga hortago isku day kasta oo ka imaan kara kooxda Al-shabaab.

13607859_10205291400804750_186349167_n.png13608145_10205291403644821_1396110936_n.png13608160_10205291406324888_455469234_n.png13618177_10205291404244836_301829887_n.png13624719_10205291397644671_1454023248_n13625115_10205291395444616_1384485410_n13625288_10205291408964954_1470237300_n13625325_10205291399524718_716564137_n.png





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip